Jidka Tareenka Isku Xidha Jabuuti Iyo Itoobiya Oo La Xanibay Iyo Sababta Keentay

0
Thursday July 29, 2021 - 15:23:51 in News by
  • Visits: 1449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jidka Tareenka Isku Xidha Jabuuti Iyo Itoobiya Oo La Xanibay Iyo Sababta Keentay

    Jidka Tareenka Isku Xidha Jabuuti Iyo Itoobiya Oo La Xanibay Iyo Sababta Keentay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jidka Tareenka Isku Xidha Jabuuti Iyo Itoobiya Oo La Xanibay Iyo Sababta Keentay


Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Muxumed Cumar oo la hadlay wakaalada wararka Reuters, ayaa sheegay in la xanibay waddo muhiim ah iyo khad tareen ganacsi oo halbowle ah, oo isku xidha magaalada Addis Ababa iyo dekedda magaalada Jabuuti.

Waddadan, ayaa ah mid la mariyo inta badan badeecadaha la gaadhsiiyo 110-ka milyan ee qof ee ku nool dalka Itoobiya.

Madaxweyne Cagjar , ayaa sheegay in waddada iyo khadka tareenka ay xanibeen koox dhallinyaro ah oo ka dibad-baxaya weerar dhacay Sabtidii.

"Waxaan ka shaqeyneynaa inaan furno khadka tareen iyo waddada maanta,” ayuu madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar u sheegay wakaalada wararka ee Reuters oo uu farriin qoraal u diray. Waxaanu intaasi ku daray, "Waxaan wada-xaajood kula jirnaa dhallinyarada iyo dadka,”.

Sikasba ha-ahaatee, arrintan ayaa waxaa aan ilaa iyo hada ka hadal Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo mas’uuliyiinta Jabuuti.

Addis Ababa–Djibouti Railway


Loading...
Loading...