Senator-kii Ugu Horeeyey Ee Ka Tirsan Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Kismaayo Lagu Doortay

0
Thursday July 29, 2021 - 15:15:08 in News by
  • Visits: 994
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Senator-kii Ugu Horeeyey Ee Ka Tirsan Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Kismaayo Lagu Doortay

    Senator-kii Ugu Horeeyey Ee Ka Tirsan Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Kismaayo Lagu Doortay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Senator-kii Ugu Horeeyey Ee Ka Tirsan Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Kismaayo Lagu Doortay

Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose si rasmi ah uga bilaawday doorashada qaar ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya Jubbaland, iyadoona la doortay Senatarkii ugu horeeyay ee Aqalka Sare.


Goobta doorashada ka dhaceyso waxaa ku wada sugan Xildhibaanada golaha Wakiilada Jubbaland guddiga doorashada heer Federaal, kan Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka iyo waliba masuuliyiin kale.


Senatarkii ugu horeeyay ee Baarlamaanka Aqalka Sare waxaa ku tartamay musharaxiinta kala ah Ilyaas Badal Gaboose iyo Maxamed Axmed Sayid, waxaana ku guuleystay kursigaas Ilyaas Badal Gaboose oo helay 55 cod halka Maxamed Axmes Sayid uu isna helay 17 cod hal codna waxa la sheegay inuu halaabay, waxaana xusid mudan Sharmaake Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa Musharaxiinta kursigaas inuusan ka qeyb galin tartanka doorashadaas.

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursugii ugu horeeyay ee Xildhibaanada Aqalka Sare ku matalaya maamulka Jubbaland inuu ku guuleystay Ilyaas Gaboose oo ay u codeeyeen 73 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland.

Doorashada ayaa weli sii socota, waxaana jira xubno loo saadaalinayo inay kusoo baxaan doorashada Aqalka sare ee ka socota Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Loading...
Loading...