Xildhibaan Khaliif Oo Iftiimiyay Kalsoonidda uu Ku Qabo Xildhibaannada Isbahaysiga Mucaaridka

0
Thursday July 29, 2021 - 02:24:20 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2073
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Khaliif Oo Iftiimiyay Kalsoonidda uu Ku Qabo Xildhibaannada Isbahaysiga Mucaaridka

    Xildhibaan Khaliif Oo Iftiimiyay Inuu Kalsooni Buuxda Ku Qabo Xildhibaannada Isbahaysiga Mucaaridka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Khaliif Oo Iftiimiyay Inuu Kalsooni Buuxda Ku Qabo Xildhibaannada Isbahaysiga Mucaaridka



Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Ahmed oo ah murashaxa ay Xisbiyadda mucaaridku u soo sharaxeen Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland ayaa waxa uu sheegay in maalmaha soo socda ay kala caddaan doonto cidda hoggaaminaysa golaha Wakiillada iyo cidda aqbalaysa Xaqiiqda dhabta ah iyo waaqica dalka yaalla.



Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Ahmed waxa uu sheegay in loo baahnaa oo ay habboonayd in Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisu ay ixtirraamaan aqlabiyadda Xildhibaannada Isbahaysiga mucaaridka, waxaannu sheegay in Xukuumaddu ay arrintaas iska indho-tirtay oo ay la meerraysatay.
Cabdirisaaq Khaliif oo ka sharaxnaa... - Aidarus Beershiya | Facebook

"Waxaan ahay Xildhibaan ka tirsan golaha Wakiillada Somaliland ee la doortay 31-kii May. Waxaan ka soo baxay Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo isagu hoggaaminaaya aqlabiyadda Xildhibaannada golaha Wakiillada, kunna hoggaaminaaya 31 Xildhibaan, waxaannu heshiis Isbahaysi uu la galay Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, oo ay heshiis ku wada gaadheen inay qaybsaddaan Xubnaha Shirguddoonka golaha Wakiillada oo aqlabiyad dhan 52 Xildhibaan ku haystaan.

Waxay labadda Xisbi ee WADDANI iyo UCID isku waafaqeen hoggaankooddu inaan anigu noqdo oo la ii sharaxo Guddoomiyaha golaha Wakiillada, markaa mabay ahayn in lagu tartamo ee waxay ahayd sidda Sharcigu qorraayay, maaddaama oo labaddii Xisbi ee aqlabiyadda golaha Wakiillada haystay ay isku tageen oo ay magacaabeen Shirguddoon, waxay ahayd in Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisuna ay Ixtirraamaan, laakiin galgalasho badan ayay ka galeen, balse waxaan rajaynayaa inay galgalashaddaasi iska soo dhammaan doonto.

Waxaan is leeyahay waa xilli ku habboon inaad golahan hoggaamiso, marka loo eego aqoon ahaan, marka loo eego khibrad ahaan iyo marka loo eego awood ahaan shaqsiga ah oo waxa jira qofku xilli uu wax-qaban karro, markaa taanna waxaan is leeyahay waad ku mudan tahay maanta inaad golahan Wakiillada hoggaamiso.

Waxaan ka soo shaqeeyay Axsaabta mucaarid iyo muxaafid-ba oo aan ka mid ahaa Xisbiga KULMIYE oo Xukuumiya aan Shan sano iyo dheerraad ka soo shaqeeyay, Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo aan isaganna Lixdii sano ee u danbeeyay aan ahaa Xoghayaha Maaliyadda, haddeerna aan ahay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, markaa waxaan is leeyahay waad ogtahay labadaba duruufaha yaalla marka uu mucaarid yahay iyo marka uu muxaafid yahay-ba, waxaanan rajaynayaa maalmaha soo socda inay kala caddaan doonto cidda xaq u leh inay hoggaamiso golaha Wakiillada ee Somaliland iyo cidda dhabta ah ee xaq u leh inay aqbasho Xaqiiqda dhabta ah iyo waaqica dalka yaalla." Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Ahmed.

Loading...
Loading...