Xildhibaan Faratoon oo Qiray inuu Meel Adag Maraayo Loollanka Shirguddoonka Wakiilladu

0
Thursday July 29, 2021 - 02:16:00 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Faratoon oo Qiray inuu Meel Adag Maraayo Loollanka Shirguddoonka Wakiilladu

    Xildhibaan Faratoon oo Qiray inuu Meel Adag Maraayo Loollanka Shirguddoonka Wakiilladu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Faratoon oo Qiray inuu Meel Adag Maraayo Loollanka Shirguddoonka Wakiilladu


Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ah Xildhibaanka Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE u sharaxeen Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in xilligan loollanku maraayo meel adag.



Xildhibaan Yaasiin Faratoon, wuxuu sheegay inkasta oo tartanku maraayo meel adag oo ay Isbahaysiga mucaaradka iyo Xisbigooda KULMIYE isku dhow yihiin, balse uu filaayo rajo fiican.

"Tartanku wuu adag yahay, labada dhinacna (Isbahaysiga mucaaradka iyo muxaafidka), waxaad moodaa in ay isku dhow dhow yihiin oo hawshu ay adag tahay oo tartan adag ayaa socda, laakiin rajadaydu way fiican tahay. Sidaa waxa yidhi, Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka hadlaayay hankiisa Shirguddoonka golaha Wakiillada Somaliland iyo sida ay wax u socdaan.
Faratoon oo Ka Hadlay Xaaladda Siyaasadeed Ee Gudaha iyo Dibedda Somaliland | Gabiley News Online

Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), wuxuuna sidaa ku sheegay mar uu Arbacadii maanta Telefishanka SAHAN, wax ka weydiiyay arrimaha loollanka Shirguddoonka.

Dhinaca kale, Yaasiin Maxamuud Xiir oo la weydiiyay su’aalaha ay in badan oo bulshada ka mid ah iyo Siyaasiyiinta dhaliilayaa u soo jeedinayaan ee la xidhiidha dooda ah in maadaama uu yahay "Xildhibaan Faratoon” nin da’a ah aannay ku habboonayn inuu maanta u cararo Kursiga Shirguddooonka.

Wuxuuna dooda caynkaas ah ku macneeyay mid aan sal ahayn, isagoo ku dooday in dad xagga da’ada ka weyn ama filkiisa ah ay Baarlamaannada Adduunka hoggaamiyaan, isagoo dhinaca kale tusaale u soo qaatay Madaxweynaha Dalka Maraykanka Jeo Biden oo uu sheegay inuu hoggaaminaayo dalka Adduunka ugu dhaqaalaha weyn, ugu quwada weyn, sidaa awgeed wuxuu dooda noocaas ah ku macneeyay mid ‘Maangaabnimo.”

"Maxaan u nasanayaa, inta awooddayda ee aan karaayo ee aan aqaan oo in baddan oo aan da’adaa gaadhin ayaan ku hoggaaminayaa” wuxuuna ku dooday in cimrigiisa uu Allah ugu mahadnaqayo, isla markaana aannay ahayn mid uu dhegaysanaayo kuwa sidaa ku doodaaya.

Xildhibaan Yaasiin Faratoon, wuxuu ku dooday in maadaama uu qarankan Xilal kala duwan u soo qabtay, isla markaana uu leeyahay aqoonteeda aannu marnaba ka hadhayn rabitaankiisa uu ku doonaayo inuu noqdo Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland ee cusub, wuxuunna, isagoo farriin u diraaya Mudanayaasha Wakiillada u sheegay in haddii cid kale la doorto inay taas ka dhigan tahay in golihii Wakiillada la fadhiisiyay cidla, sidaa awgeed wuxuu ku dooday inay doortaan Xildhibaannadu.

Loading...
Loading...