Xildhibaano Si Adag U Cambaarreeyay Af-duubkii Xildhibaan Mustafe Loo Gaystay

0
Wednesday July 28, 2021 - 21:08:37 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano Si Adag U Cambaarreeyay Af-duubkii Xildhibaan Mustafe Loo Gaystay

    Xildhibaano Ka Soo Jeedda Isbahaysiga Mucaaridka Oo Ka Hadlay Af-duubkii Xildhibaan Mustafe Loo Gaystay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano Ka Soo Jeedda Isbahaysiga Mucaaridka Oo Ka Hadlay Af-duubkii Xildhibaan Mustafe Loo Gaystay


Hargeisa(HWN):-Qaar ka mida Xildhibaannada Isbahaysiga Xisbiyadda mucaaradka Somaliland, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay afduub uu Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo KULMIYE ka tirsani sheegay in Addis ababa ay Xukuumadda Somaliland ugu gaysatay iyadoo isticmaalaysa sirdoonka Itoobiya.



"Arrintaasi arrin dhib yar annaga noolamay muuqan, in Nin Xildhibaan ah oo ummaddu dooratay oo howlo gaar ah u tagay Itoobiya inta laga daba tago Ciiddan loo sameeyo, waa khatar loo badheedhay" Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Abiib.

Xildhibaan Aadan Qaasin Sulayman ayaa sheegay inaan loo dul-qaadan doonin, isla markaana layskula xisaabtami doono falka uu Xildhibaan Mustafe sheegay in Xukuumadda Somaliland kula kacday.

"Waa arrin u baahan ka daba tag, Cidkasta oo ay khusayso markaanu golaha tagno waanu kula xisaabtami doonaa, waanu u yeedhi doona safaarada, waanu waydiin doona safaarada waana nu kula xisaabtami doonaa" Ayuu yidhi Xildhibaan Aadan Qaasim Sulaymaan

Xildhibaannada oo tiradoodu dhammayd 4 Xildhibaan ayaa dhammaantood si isku mida u cambaareeyay falka afduubka ah ee Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE uu ku andacooday inay kula kacday Xukuumadda Somaliland.

Loading...
Loading...