Raysal Wasaare Khayre Oo Guddi Cusub Magacaabay Iyo Shaqada Ay Qabanayaan
Muqdisho(HWN):-Raysal wasaaraha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi wasiiro ah.
Raysal wasaare Khayre ayaa sheegay in guddidan oo uu hogaamin doono raysal wasaare ku xigeenku ay ka shaqayn doonaan sidii loo dhamaystiri lahaa qorshaha deynta lagaga dhaafayo dalka soomaaliya.
Guddidan uu magacaabay raysal wasaare Khayre ayaa waxa kale oo xubno ka ah wasiirada maaliyada, boostada, kalluumaysiga, qorshaynta, dekedaha, wasiirul dawlaha maaliyada iyo gudoomiyaha baanka dhexe.
Guddiga ayaa labadii todobaadba mar waxa ay yeelanayaan kulan looga hadlayo meesha uu marayo qorshaha dayn cafinta dalka iyo dardar gelintiisa si ugu dambayn dalka daynta looga cafiyo.