Ma Dhabbaa In Muuse Biixi Uu Kullan Ku Saabsan Doorashada Shir Guddoonka La Yeeshay Ganacsatada Iyo Madax-dhaqameedka Beeshiisa?

0
Wednesday July 28, 2021 - 15:40:05 in News by
  • Visits: 2438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Dhabbaa In Muuse Biixi Uu Kullan Ku Saabsan Doorashada Shir Guddoonka La Yeeshay Ganacsatada Iyo Madax-dhaqameedka Beeshiisa?

    Ma Dhabbaa In Muuse Biixi Uu Kullan Ku Saabsan Doorashada Shir Guddoonka La Yeeshay Ganacsatada Iyo Madax-dhaqameedka Beeshiisa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Dhabbaa In Muuse Biixi Uu Kullan Ku Saabsan Doorashada Shir Guddoonka La Yeeshay Ganacsatada Iyo Madax-dhaqameedka Beeshiisa?

Muuse Biixi Cabdi ahna Guddoomiyaha Xisbiga tallada haya ee KULMIYE ayaa la sheegay inuu dhawaan kullan la yeeshay xubno iskugu jira Madax-dhaqameed siyaasiyiin iyo Ganacsato ka soo jeeda Beeshiisa,kaas oo saacado baddan qaatay,isla markaana jil-baha la is daray.

Muuse Biixi oo farriin xasaasi ah u direy DF iyo mucaaridka, sheegayna arrin cajiib ah - Caasimada Online


Kullanka ayaa xoggaha uu Wargeyska Waaberi helay ay sheegeen inuu ahaa mid ayMadaxweyne Biixi ay ka dalbadeen Madax-dhaqameedka iyo Ganacsatada iyo haloorka Beeshiisu inay la yeesheen,wallow la sheegay inuu dhawr jeer ka gaws adaygay,balse haddana uu aakhrikii wuu la kulmay.

Waxa kale oo ay xoggaha aanu helnay ay sheegeen inay Madaxweynaha iyo Madax-dhaqameedka iyo Ganacsatada Beeshiisu ay si addag uga wadda hadleen xallada hadda dalku marayo ,doorashooyinkii dalka ka dhacay iyo weliba xaallada hadda taagan ee doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.

Xoggaha ayaa xusay in Madaxweyne Biixi iyo nin doorka la kulmay ee beeshiisu ay si qoto dheer ugala hadleen arrinta doorashada shir guddoonka iyo qorshihiisa siyaasadeed ee uga meel yaal,waxaanay u sheegeen in haddii aanu arrintaas dan ka lahayn shir guddoonka oo aanay ka go’nay inuu nafta iyo maalka dul dhigo sidii uu kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada uu ugu fadhiisin lahaa musharraxa uu duduucayo ee Yaasiin Maxamuud Faratoon inuu u cadeeyo mawqifkiisa.

Waxa kale oo la sheegay inay u sheegeen Madaxweynaha oo ay u ballan-qadeen inay ka go’antahay haddii uu lacag ku soo jilaaban waayey Xildhibaannada inay iyagu bixiyaan,balse waxa la sheegay inuu aakhirkii uu Madaxweyne Biixi u sheegay inay iska haystaan Lacagtooda,isla markaana uu diyaar u yahay inuu qasnada furro oo uu ku dedaalayo sidii uu Xildhibaanka uu wataa uu u noqon lahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo uu awooda saari doono,waxaana la sheegay inuu kullankaas ku soo dhammaaday is afgarad, ma jiri war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac marka laga yimaaddo xoggaas


Loading...
Loading...