Boqor Raabi Oo Ku Hanjabay In Ciqaab La Marin-Doono Xidhibaannada Ku Wacad Furra Isbeddelkii Dadku U Codeeyey

0
Wednesday July 28, 2021 - 15:36:32 in News by
  • Visits: 1510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqor Raabi Oo Ku Hanjabay In Ciqaab La Marin-Doono Xidhibaannada Ku Wacad Furra Isbeddelkii Dadku U Codeeyey

    Boqor Raabi Oo Ku Hanjabay In Ciqaab La Marin-Doono Xidhibaannada Ku Wacad Furra Isbeddelkii Dadku U Codeeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqor Raabi Oo Ku Hanjabay In Ciqaab La Marin-Doono Xidhibaannada Ku Wacad Furra Isbeddelkii Dadku U Codeeyey


Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo kamid ah Madax-dhaqameedka reer Somaliland ayaa si adag uga hadlay Xildhibaannada u galay Xisbiga KULMIYE,kuwaas oo ah qaar Xisbiyaddii ay ka soo baxeen iyo shacabkii soo doortay ku wacad furay,isla markaana raacay dhaameelka uu u ruxay KULMIYE.

Boqor Raabi Oo Si Weyn Uga Qayliyey Xil Ka Qaadista Lagu Sameyey Wasiirka Horumarinta Maaliyada | Waaberi News


Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi ayaa ugu baaqay shacabka reer Somaliland inay illaaliyeen isbaddelkii ay u coddeeyeen,isla markaana ay garab istaagaan,waxaanu yidhi isagoo arrimahaas ka hadlaya sidan:-" Labada Xisbi iyo Xildhibaannadoodu iyo cida ay soo dooreen waa cida ay isbaddelku u coddeeyeen,markaa waxa aan u sheegayaa dad weynaha tashuushka la furrayo iyo wax-yaabaha beenta ah ee la idiin sheegayo dheg ha u dhigina,waa in aad illaalisaan wixii aad u coddayseen isbaddelkii dadku u coddeeyey waa inuu shaqeeyee waanu taageersanahay iyaga ayaan doonnayaa in si dooda la isu garab taago isbahaysiga "

Dhanka kalene Boqor Raabi ayaa si gaar ah ugu madahceliyey Xildhibaan Maydhanne oo Xisbiga KULMIYE uga soo baxay Gobolka Awdal,kaas oo taageeray ballan-qaadayna inuu dhisayo Musharraxiinta shir Guddoonka Golaha Wakiillada ee isbahaysiga "Waxaan u mahadcelinayaa Xildhibaan Maydhanne oo ka soo baxay Gobolka Awdal oo maalintii dhaweyd si wannaagsan u hadlay ee iska difaacay ninkii wariyaha ahaa,waxa aan leehayey Xildhibaan Maydhane waad salaamantay waanu kugu taageersanahay cid kasta oo laba Xisbi iyo isbaddelku ay isku raceen,waanu soo dhaweynaynaa,waanu taageeraynaa iyagana waxa aanu leenahay dad weynihii doortay ee isbaddelka u coddeeyeyna waxa aan leehay waa in aad is garab taagtaan,waa in aad u soo baxdaan ,waa in aad oggaataan waa in aad ila meeraysatada aad la meeraysataan idinkuna oo halkooda ku illaalisaan.”ayuu yidhi

Geesta kalene Boqor Raabi ayaa sheegay in suuqyada lagu gaarci doonno Xildhibaannada isbaddelkii shacabku u codeeyey dhabarka ka toogta " Ninka dhabarka ka tooganaya isbaddelkeenii ee doonnaya inuu isbaddelkeenii dhabarka ka toogto isaga ayeynu eryeynaa isaga ayeynu ceebaynaynaa isaga ayeynu shaarica ku garaacaynaa la socda isagana.”


Loading...
Loading...