Rajaddii KULMIYE Oo Ku Soo Ururtay Baafinta Iyo Iibka Xildhibaannada

0
Wednesday July 28, 2021 - 15:34:24 in News by
  • Visits: 1479
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rajaddii KULMIYE Oo Ku Soo Ururtay Baafinta Iyo Iibka Xildhibaannada

    Rajaddii KULMIYE Oo Ku Soo Ururtay Baafinta Iyo Iibka Xildhibaannada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rajaddii KULMIYE Oo Ku Soo Ururtay Baafinta Iyo Iibka Xildhibaannada


Xisbiga tallada haya ee Kulmiye, ayaa ka rajo-beelay inuu guul kasoo hoyn-karo tartanka Doorashadda aqalka Golaha Wakiillada Somaliland, oo la filayo inay Xildhibaannada Golaha Wakiilladu ay toddobaadka dambe bilowgiisa fadhiistaan is ay u doortaan shir guddoonka Golaha, sidaas darteed kaaderiinta Xisbul-xaakimka Kulmiye, waxay go’aan-saddeen inay ku dhaqaaqan tallaabo kasto ay kula tacaali lahaayeen guuldarada soo wajahday.

Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Sweden. - Home | Facebook


Xogo amuurtan la xidhiidha oo laga helay ilo ku dhow-dhow kaaderiinta Xisbigaqaadaykulan arrimaha lagaga hadlaayey oo ay yeesheen sheeffeerada Kulmiye lagu go’aamiyey in laba waji lagaga hawgalo arrintan sidii loo soo jilaaban lahaa Xildhibaanno kooramka u buuxiya xisbiga,kuwaas oo kale ah in Xildhibaan kasta laga maro dhanka qabiilkiisa oo loo adeegsato cid uu wax ka dhegaysto haddii ay tahay xidid iyo xigaal-ba iyo in loo soo bandhigo Xildhibaannada lacago buuran iyo weliba mashaariic la odhanayo degaankaaga ayaanu ka fulinaynaan.

Waxa kaloo, ilahaasi tibaaxeen in talaabadani tahay mid ay xukuumadda KULMIYE ku doonayso inay ku banjariso isbaddelkii shacabku u coddeeyeen,isla markaana ay uga gal-galato guul-darradii ka soo gaadhay doorashada,waxaana la sheegay inay Xildhibaannada ku baayacayso dhaqaale ku siman kolba inta uu hankiisu yahay Xildhibaannka ay soo xerro-gelinayso.

Geesta kale, Qaar kamid ah Xildhibaannada cusub ee ka soo baxay Xisbiyadda Mucaaradka ah iyo Siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo aqoonyahan kale ayaa arrintaas ka digay,waxaanay farriimo adag oo isaggu jira digniin iyo hanjabaad ka bixiyey talalabada ka dhalatay raj-beelista Xisbiga Kulmiye, sidoo kalena waxay farrimo wacyi-gelin ah u direen Xildhibaannada uu bartilmaameedka Xisbiga Kulmiye ka dhigtay.

Sidoo kale Xukuumadda iyo Xisbiga tallada haya ee Kulmiye ayey ugu baaqeen inay rafadka joojiyaan,isla markaana ay iimaansadeen Xildhibaannada yar ee ay haystaan, kuna qancaan calaf wixii Ilahay ka siiyo Doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada.



Loading...
Loading...