Telefishanka Qaranka Iyo Radio Hargeysa Oo Noqday Meelo Looga Mushxaradayo Faratoon
Telefishanka Qaranka Somaliland iyo Radio Hargeysa ayaa noqdo maqaamo u furan oo u shidan Musharrax ay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada u gel-binayso Xukuumadda Madaxweyne Biixi,taas oo muujinaysa in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay war-baahintii Qaranka Somaliland ka dhigtay meel cid gaar ah loogu addeego.
Musharraxa ay Xukuumadda duduucayso ee ay la doonnayso inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa ay war-baahinta Dawladdu si weyn u buun-buuninaysay maal-mihii u dambeeyey,iyadoo ay si qaawan oo aan gaabasho lahayn ay u caadaysatay aflagaadaynta Xisbiyadda Qaranka gaar ahaan Xisbiyadda UCID iyo WADDANI.
Dhanka kalene arrintan ayaa muujinaysay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay war-baahintii Qaranka Somaliland ka dhaxaysay ay u addeegsanayo sida ay doonto,taas oo muujinaysa in Xukuumadda KULMIYE ay ka dhigatay Telefishankii Qaranka iyo Radio Hargeysa war-baahin u gaar ah oo uu leeyahay Xisbiga KULMIYE,balse aanu lahayn Qaranka Somaliland
Xoghayaha war-faafintaXisbiga WADDANI Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto oo arrintaas ka hadlay ayaa yidhi "War-baahinta Dawlada oo kale in ololle iyo loollan ay u waddo qaabkii ay u xayeysiin lahayd ama ay u dhacsiin lahayd in cid ku haboon shir guddoonka ay tahay cida ay Xukuumaddu dabada ka riixayso,taas oo aanu u arragno war-baahinta Dawladu inay majara habaabinayso hawshan socota ee ah in shir guddoonka lagu soo doorranayo Golaha,maddaama Gole lagu doorranaya oo halka ay tallaa ay tahay Golaha,waxa wanaagsan in aanay kale xigtaysan ama aanay soo kale dhaweysan ayaa wanaagsan.”
Geesta kalene xoghaye Xuuto ayaa sheegay in doorashadii ay war-baahinta Qaranku dhex ahayd Xisbiyadda,isla markaana loo baahnaa maddaama oo ay tahay war-bahintiin Qaranka inay dhex-noqoto oo aanay kale xigtaysan Xildhibaan Khaliif iyo Xildhibaan Yaasiin"Shalay markii ay tartamee Madaxweyne Muuse iyo Cirro iyo Faysal xaq isku mid ah ayaa laga siiyey,markaa Cabdirasaaq Khaliif iyo Yaasiina wey siman yihiin waa laba muwaadin in xaq isku mid ah laga siiyo ayey ahayd war-baahinta Qaranka.”
Gunaanadkii Xoghayaha war-faafinta Xisbiga WADDANI Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa sheegay in war-baahinta Qaranka haddii ay buun-buniso Faratoon iyo haddii kale aanu warkeedu gaadhi geedkaa,isla markaana ay tahay mid tayadeedu ay liidato"Waxaynu ognanhay war-baahinta Dawladu in aanay saamayn buuran oo wax tar ah u keenay xattaa haddii ay Yaasiin buun-buuniso ,dhibaatadda ugu baddan ee dalka waxa weeye war-baahintii Qaranka oo ah ta ugu liidata ee ugu diciifsan Qaranka oo aanu telefishankeedii Qaranku meel-na gaadhayn haddii cid lagu buun-buuninayo idaacadii Qaranka oo iyana bakhtiisan marka laga yimaado FM-da Gobollada, Wargeyska Dawlada ee Dawan oo isna Hargeysa aan dhaafin ,markaa saamayn baddan oo laga hadlaa ma taalo.”