Muuse Biixi Oo Ay Isku Qaban La'day Xisaabtii Uu Ku Hanan Lahaa Shir Guddoonka Wakiillada Iyo Soddonkii Maalmood Oo Gabaabsi ah

0
Wednesday July 28, 2021 - 15:29:29 in News by G. Good
  • Visits: 686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Ay Isku Qaban La'day Xisaabtii Uu Ku Hanan Lahaa Shir Guddoonka Wakiillada Iyo Soddonkii Maalmood Oo Gabaabsi ah

    Muuse Biixi Oo Ay Isku Qaban La'day Xisaabtii Uu Ku Hanan Lahaa Shir Guddoonka Wakiillada Iyo Soddonkii Maalmood Oo Gabaabsi ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Ay Isku Qaban La'day Xisaabtii Uu Ku Hanan Lahaa Shir Guddoonka Wakiillada Iyo Soddonkii Maalmood Oo Gabaabsi ah


Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ay gabaabsi yihiin soddonkii maal-mood ee dastuurku uu siiyey inuu iskugu yeedho Xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland si loo dhaariyo,isla markaana ay iskaga dhex doortaan shir guddoonkii hoggaamin lahaa golaha cusub ee Wakiillada Somaliland .

Muuse Biixi - Wikipedia


Madaxweyne Biixi oo Xisbigiisu uu helay tirada ugu yar ee Xildhibaannada Golaha Wakiillad ayaa hore u sheegay inuu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada uu u doonnayo inuu ku dhiso Xildhibaan Yaasiin Faratoon,taas oo keentay inuu iskugu yeedhi waayo Golaha,isla markaana u raacdo iyo ruclo u galay inuu helo Xildhibaano kooramka u buuxiya xisbigiisa,wallow uu dhawr Xildhibaan ka helay Xisbiyadda UCID iyo WADDANI haddana weli xisaabta ayaan u gaadhin halkii uu rabay.

Dhanka kalene Madaxweyne Muuse Biixi ayaa illaa hadda wadda de-deelo uu ku doonayo inuu ku soo jilaabto Xildhibaano kale,kuwaas oo uu u bandhigayo qorshayaal u baddan indho sarcaad oo uu kaga saaray xerada isbahaysiga,balse xaalada ayaa ku adag,maddaama shaxda uu qabiil u dhigay isagu,taas oo keentay inay waxay mucaaradkuna la dheelaan taa qabiil-ka mid la mid ah iyo farsamooyin kale .

Geesta kalene Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa u muuqda inuu iska lumiyey wakhti baddan,waxaana hadda ay toban cisho oo qudhi uga hadhay soddonkii cisho ee uu dastuurku siiyey inuu iskugu yeedho Xildhibaannada Golaha Wakiillada si loo dhaariyo oo ay iskaga dhex-doortaan shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland


Loading...
Loading...