Waydiimaha Ka Taagan Xildhibaankii Kulmiye U Adeegsaday Sirdoonka Itoobiya

0
Wednesday July 28, 2021 - 15:11:37 in News by
  • Visits: 1179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waydiimaha Ka Taagan Xildhibaankii Kulmiye U Adeegsaday Sirdoonka Itoobiya

    Waydiimaha Ka Taagan Xildhibaankii Kulmiye U Adeegsaday Sirdoonka Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waydiimaha Ka Taagan Xildhibaankii Kulmiye U Adeegsaday Sirdoonka Itoobiya

Isweydiinta Shacabka Somaliland, Ee Ku Wajahan Hadaladii Xildhibaan Mustafe Kheyreeye, Habeenkii Xaley ahaa Ku Sheegay, in Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Ku Qaafaalatay Guddaha Dalka Itoobiya Khusuusan Magaalada Adissababa Markii Saaka Waagu Baryey, Falanqeynta Hadalkaasi oo aad u badnayd Maxay Xukuumaddu kaga jawaabtay?


May be an image of 3 people and people standing

Dad Badan oo Shacabka kamid ah, ayaa Aaminsan in Xildhibaanka, Siday Doontaba ha Noqotee ay Suurtagal tahay in Xukuumaddu Culays Ku Saartey Gudaha Somaliland, si aanu uga Taggin Xisbigii uu Kasoo Baxey ee KULMIYE haseyeeshee, Waxa ilaa iyo hadda la Rumaysan laayahey, in ay Mala-Awaal aheyd hadalkii Xildhibaanka ee u dhignaa, "Waxaa la igu Qafaashay Adissababa Gudaheeda, oo Waxaa i Qafaalatay Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Sidaa Daraadeedna Waxaan Codkayga Siin Doonaa Cabdirisaaq Khaliif" Sheeko Dheer Mise Sheeko Gaaban Midba.

Sikasta, oo Xaalku Yahey, Hadalka Xildhibaanka, oo aan la Yareysan Karrin Wali Xukuumaddu kama Jawaabin Waana Talaabo laga Sugayo, oo Dhegta Loo Wada taagayo, Maadaama arimahani halis ku Yihiin Muwaadiniinta Hadiiba ay Tahey Mid dhacday, Waana Markii u Horeysay ee Nooceedda ah, oo Talaabo Noocan oo Kale ah Laga Maqlo Muwaadin u Dhashey Dalka Somaliland ama Madax ha ahaado, Ama Xildhibaan ha ahaadee, Sababtoo ah Awal hore iyo Marar badan Waxa ay Shacabka Somaliland inta badan Maqlaan Xataa Wakhtiga Xukuumadani Madaxweyne Muuse Biixi talada dalka gacanta Ku haysay, Masuul lagu Xidhay Gudaha Somaliland iyo Xildhibaan la Xidhay Balse, Tani Waxay aheyd Mid aynaan horena u Maqal Horena aan u Dhicin Xataa Dambiile Mooyee, Laakiin Xukuumaddu Jawaabta hadalka Xildhibaanka Waxey u Muuqataa in ay Dib u Dhigatay Taasina Waxey Noqonaysaa in aanu Xildhibaanku ka Been Sheegin, Waa haddii aanay ka Jawaabin.

Loading...
Loading...