Musuqa Cali Baqdaadi Oo Xadhkaha Goostay Iyo Is Hortaag Uu Ku Sameeyay In Baadhis Lagu Sameeyo Xisaabaadka Baanka

0
Wednesday July 28, 2021 - 12:44:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musuqa Cali Baqdaadi Oo Xadhkaha Goostay Iyo Is Hortaag Uu Ku Sameeyay In Baadhis Lagu Sameeyo Xisaabaadka Baanka

    " waxaanna Shaqsiyaadkaas ka mida Maamulaha laanta Xarunta iyo Xisaabiyaha guud ee Baanka."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" waxaanna Shaqsiyaadkaas ka mida Maamulaha laanta Xarunta iyo Xisaabiyaha guud ee Baanka."

Hargaysa (HWN) Waxa labaddii Sano ee u danbeeyay si isdaba jooga u soo noqnoqonaysay Musuqmaasuq balaadhan oo ka taagan Baanka dhexe ee Somaliland.


Ilo-wareedyo si dhaw ugu dhuul-daloola maamulka sarre ee Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa waxay sheegeen in Agaasimaha guud ee Baanka dhexe uu dhawr jeer dalbaday in qaybta Hanti-dhawrka ee Baanka dhexe ay baadhitaan ku sameeyaan Xisaabiyaha guud ee Baanka, hase-yeeshee dalabkaas baadhitaan waxa si cadisku hor taagay Guddoomiyaha Baanka Mr Baqdaadi.




Warku waxa uu intaas ku darayaa tan iyo intii uu Xilkaas Guddoomiyenimo ee Baanka dhexe ee Somaliland uu hayay Cali Ibraahim Baqdaadi inaanu ogollaan in wax baadhis ah lagu sameeyo Xisaabiyaha guud ee Baanka dhexe, waxaannay Xogahani tibaaxeen inay jiraan Koox isku xidhan oo bilowgii horeba guddoomiye Baqdaadi gacanta ku dhigay, kuwaasoo uu Agaasimaha guud marar badan isku dayay inuu is badal ku sameeyo, taasoo ah wax iska caaddiya in masuulkastaa uu isku badali karro Shaqaalihiisa, balse waxa dhacda in markasta uu Guddoomiye Baqdaadi is hor taaggo Shaqadda Agaasimaha guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland, waxaanna Shaqsiyaadkaas ka mida Maamulaha laanta Xarunta iyo Xisaabiyaha guud ee Baanka.


Inkasta oo arrintani gaadhay Muuse Biixi, haddana ilaa hadda ma jirto wax talaabo ah oo uu ka qaadday Musuqmaasuqa raggaadiyay Baanka dhexe ee Somaliland.


Kooxdan Sharwadayaasha ah ee la shiraakoobay Guddoomiyaha Baanka dhexe Mr Baqdaaddi ayaa waxa la sheegay inay ku hawlan yihiin Shaqaalaysiinta shaqsiyaad ay ehel yihiin, Dalacaaddo iyo isku badalo ay iyagu ka danbeeyeen


Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office

Loading...
Loading...