Rag Is-Galay Kala Galad La' (Abdi-Shotaly)!

0
Wednesday July 28, 2021 - 10:33:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Rag Is-Galay Kala Galad La' (Abdi-Shotaly)!

    * N.B Tunka Ka Leef Dhiiga Iyo Ilmadda Idinka Tiixaysa!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Tunka Ka Leef Dhiiga Iyo Ilmadda Idinka Tiixaysa!

Xikamad "Carbeed" baa waxay ahayd " Idal Miniature Anshabad Anyaabihaa Aw Ad-faarihaa, Al-faytul Kuli Tamiintu Laa Tanfac" Oo micna-heedu yahay " Haddii geeridu miciya-heedda ama cidiya-heedda kugu soo taagto, qardhaas iyo quraan laguu akhriyaa, mid-na kuma anfaco". Si kale oo fudud haddii aynu u sheegno, waxay tahay oo lagu fasili karaa " Qofkii ay u dhamaatay, meel uu ka soo noqdaa ma jirto, oo jidkii noloshu wuu ka soo xidhmay" murti uu inorganic tegay Abwaan Qaasim ( Illaah naxariis-tiisa haka waraabiyo'e) " Keenadda rag baa lagu hayaa, kadab u laalayne, Dhaaxuu nin keliggii tashaday, karin ka duulaaye" taas oo ah, markiisa hore-ba Qof bani'aadamka waa iska daciid, waayo markuu is bide xoog awood ama jeebka uu waxoogaa ku hubsado, kibir iyo isla weyni buu ka qaadaa " Waxa tusaale aan caad saarnayn u ahaa askariga caaqilka sheegtay ee la yidhaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay" kaas oo kaba-la dalka ku soo galay, ja dib markii mujaahidiintii u soo halgamay, ay ka dhaqaaji-yeen hadh cad maamulkii faqashtii ee Af-lahaarkii Ina Bare.



Waxan Akhristaw uga socdaa, ruux kaste oo wax is moodda, oo maalmo uu wkhtigu kool-kooliyaba, siddii awr qooqay uu dhibi-listaba " Sidda askarigan Xaafad-tooyadda" Aakhirka waxa ka daba yimaada Jiilaal adag oo uu af-dhigi waayo. Siddii heestii Axmed saleebaan bide, ee ay qaadi jirtey Sahra Axmed ( Rabbi Raali ha ka ahaadee). Taas oo ahayd " Cuud-kuba dharaar buu jiilaal cadaadiga, afka caws la waayaa" ujeedadu waxa weeye " Mar buu saymo oodan galaa, oo surin waliba ka soo xidhmaa, kuwii hor boodi jirey-na uu mid-ba meel ka baxaa, la waayaa meel ay jaan iyo cidhib dhigeen. Waa maanta askarigga kor ku qoran haysta, ee jiif iyo joog-ba u diidaye. Haday ku jiq tahay, oo wixii uu is lahaa "Caaqilka guriggii Moorgan ku jiraa" ay socon wayday, wado waliba ku soo xidhan-tay, ee bal dayaay askariggii waa kii sii dabaysha-daye.


Asjariga waxan leeyahay " Tunka ka leef dhiigga iyo ilmadda idinka tiixaysa, haddaba toogo baxa, waa jananadda talax-deediiye" Waxa la yidhi " Rag is galay kala galad la" oo maalin adaa leh, maalin qayr-kaaye Ayamihii " Caaqil-Askari-Mujaahid-Madax-w eyne" imika bay dabadda rogteen. Cunaha la hayaa, oo xaar-kiisii uu u soo uray, markii hore uu sidda "Cambarka" u shidan jirey. Muwaadin hadaba, jacbur uu lahaa illaah raali ha ka aheedee Cabdillaahi Dhoodaan, baa waxa ku jirey " Sidda habar Barbara raacday, oo laydhka qabad-siisay, warwa-reegayey xaafadaha waan ka baqayaaye". Tallo faro-ka-haaday, been-ma-sheega-yaashii" ku odhan jirey anakaa beelaha kuu hayna, wax keeni waaye, lacagtii socon wayday, dhafoor xogosho iyo gadh la rifaa lagu Walsham, beel hoos loola shiraana shaqayn wsyday, Dan baa u run sheegtay, oo gelgelin boodh leh buu askariggii baraaq-saday, siddii buubuur candhaddii ku jabtay banking giriyaad dhex-diisa. Oo Mucaaridkii ku liqay habaaska. 49 Xildhibaan ay haystaan, hadh cad la lagu yudhi. " Micidda dhagax ku dhufo" Waxan ku soo dabray maqaalkan. Hore bay Somalidu ugu Maah-maah-day " Geelaw soco-soco oo markaad ciin daaqdo baa laguu yabaa" ilayn waa adigan cag dhigi waayeye, ee soo fadhiiso lagugu kari la' yahaye. Ku darso oo cirku intuu kuu jiro, boqol laab-keed buu kuu jiraa in aad gacan ku dhigto " Shir-gudoonka" Golaha Cusubi,Ee ma cirkaad soo gujin? Ma dhul-kaad geli? Mise maryahii aad dordogne ku sidatay baa sii xoori dooontaa?

* N.B Tunka Ka Leef Dhiiga Iyo Ilmadda Idinka Tiixaysa!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...