"Waxaan Ka Soo Bad Baaday Af-Duub Ugub Ku Ah Siyaasada Somaliland." Xildh KULMIYE Ah

0
Wednesday July 28, 2021 - 09:24:38 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan Ka Soo Bad Baaday Af-Duub Ugub Ku Ah Siyaasada Somaliland." Xildh KULMIYE Ah

    "waxaan alaabtaydii qaar kamid ah kaga soo cararay hudheelkii aan degenaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaan alaabtaydii qaar kamid ah kaga soo cararay hudheelkii aan degenaa"

Hargaysa (HWN) Xildhibaan Mustafe Axmed oo kamid ah xildhibaanadii Xisbiga KULMIYE uga soo baxay gobolka Sool ayaa ka sheekeeyay dhacdo ugub ah oo xukuumada Muuse Biixi kula kacday isaga oo ku sugan dalka Itoobiya.


Xildhibaan Mustafe ayaa sheegay in xukuumada Muuse Biixi doonaysay in lagu xidho Itoobiya, uuna ka soo baxsaday isaga oo soo maray dhulka kadib markii uu kabaqay haddii uu diyaarad soo raaco in madaarka laga qabto.



Xildhibaanka ayaa sidaasi ku sheegay mar uu xalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa, waxaanu yidhi "Maanta duhurkii ayaan soo galay Hargeisa waxaan ka soo bad baaday af-duub ugub ku ah siyaasada Somaliland oo arimihii gudaheena ahaa ee laysku hayey iyo loolankii Shirgudoonka anigoo ah xildhibaan qaran oo shacab isoo doortay laygula kacay afduub." ayuu yidhi Xildhibaan Mustafe Axmed


Xildhibaan Mustafe oo hadalka siiwata ayaa yidhi waxaan alaabtaydii qaar kamid ah kaga soo cararay hudheelkii aan degenaa, waxaanan go’aasaday in aan doorashada shirgudoonka ucodeyn doono Murashixiinta isbahaysigu ay wataan.


Hadhawanaagnews

Hargaysa/Office

Loading...
Loading...