Haweeney Xaamilo Ah Oo Loo Dilay Sooryo Awgeed

0
Wednesday July 28, 2021 - 09:08:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney Xaamilo Ah Oo Loo Dilay Sooryo Awgeed

    "Baaritaan kadib, booliska ayaa xaqiijiyay in meydka ay tahay Kajal."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Baaritaan kadib, booliska ayaa xaqiijiyay in meydka ay tahay Kajal."

Kiiska haweeney xaamil ah oo inta la dilay, kadibna jirkeeda la goo-gooyay lagu aasay meel beer ah ayaa ka fajac ku abuuray shacabka Hindiya.



Qoyska haweeneyda ayaa ku doodaya in ay ku baxday gacanta seygeeda iyo rag ka tirsan qoyskiisa oo u haystay sooryo laga rabay reerka gabadha.


Arvind Singh oo ah aabaha dhalay gabadha la dilay, ayaa booliska u gudbiyay dacwad ah in ninka uu soddoga u yahay iyo shan qof oo ay qaraabo yihiin ay gabadhiisa si arxan darro ah ugu dileen gobolka Bihar ee dalka Hindiya.


Haweeneyda la dilay ayaa magaceeda lagu sheegay Kajal, waxaana 27-kii June 2020 la aqal-galay Sanjit Kumar.


Aabe Singh ayaa sheegay in wiilka soddoga uu yahay uu dalbaday in lacag sooryo ah oo ka badan 5,000 oo dollar laga siiyo Kajal, taasoo uu ku tilmaamay hunguri xumo.


Inta badan qowmiyadaha Hindiya ayaa waxa caado u ah in reerka gabadha laga guursanayo ay bixiyaan sooryo, oo inta badan ah lacag iyo hadiyado la siiyo caruuska ama qoyskiisa.


Maxaa dhacay?

Qoyska Sanjit Kumar oo ah ninka ay u dhaxday Kajal ayaa sheegay in la waayay haweeneyda oo ku nooleyd deegaanka Nonia Bigha ee gobolka Bihar, waxaana arrintaas ay tuhun gelisay Singh.


Aabe Singh ayaa markii uu waayay gabadhiisa ku wargeliyay booliska, kuwaas oo baaritaan dheer Kadin helay meyd la xun loo jarjaray oo lagu aasay meel beer ah, sida ay ku warrantay warbaahinta Hindiya.


Baaritaan kadib, booliska ayaa xaqiijiyay in meydka ay tahay Kajal.

Kumar iyo afar qof oo ka tirsan qoyskiisa ayaa loo qabtay falkaas gurracan, waxaana ku socda baaritaan ku aaddan dilka haweeneyda xaamilka ah.


Dowladda Hindiya ayaa sanadkii 1961 soo saartay xeer lagu mamnuucayo sooryo laga qaado dumarka. Sidaa oo ay tahay, ayaa haddana weli waxaa deegaannada miyiga ah ku xooggan caadadan.


Xafiiska dembi baaridda ee Hindiya ayaa sheegay in sanadihii la soo dhaafay kumannaan dumar ah loo dilay khilaaf la xiriira gabbaatiga.


Cilmi-baaris la sameeyay ayaa muujinaysa in ugu yaraan 20 dumar ah ay maalin kasta Hindiya ugu dhintaan arrimo la xiriira gabbaatiga laga doonayo qoysaskooda


BBC

Loading...
Loading...