Diiwaan-Gelinta Musharaxiinta Aqalka Sare Ee Jubbaland Oo Maanta Bilaabaneysa
Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ay ka bilaabato diiwangelinta musharixiinta u tartamaya Xildhibaannada Aqalka Sare qeybta ka imaaneysa degaannada Jubbaland.
Shalay Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu Guddiga doorashooyinka u soo gudbiyay liiska 9 Xubnood oo kamid ah Musharixiinta Aqalka sare, kuwaas oo Maanta diwiangelin lagu bilaabayo.
Guddiga doorashooyinkaHeer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shaaciyay in Maanta la diwaangelinayo Musharixiinta Aqalka Sare, sidoo kalena ay bixinayaan lacagta diiwangelinta.
Sidoo kale Guddiga ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in kama dambeys Maalinta Khamiista ah ee todobaadkaan oo taariikhdu ku beegan tahay 29/7/2021 ay Magaalada Kismaayo ka dhaceyso dooorashada Xildhibaannada Aqalka Sare.
Maamulka Jubbaland ayaa waxaa la filayaa in uu noqdo Maamulkii ugu horreeya ee bilaaba doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, iyada oo maamulada kale ee dalka aysan xilligaan u muuqan kuwo doorasho bilaabi kara.