Xisbiga Waddani Oo sheegay In La Xaday Mishiinkii Shaybaadhka Ee Cusbitaalka Burco Oo Garoowe La Geeyey

0
Tuesday July 27, 2021 - 20:23:36 in News by
  • Visits: 1028
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo sheegay In La Xaday Mishiinkii Shaybaadhka Ee Cusbitaalka Burco Oo Garoowe La Geeyey

    Xisbiga Waddani Oo sheegay In La Xaday Mishiinkii Shaybaadhka Ee Cusbitaalka Burco Oo Garoowe La Geeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Waddani Oo sheegay In La Xaday Mishiinkii Shaybaadhka Ee Cusbitaalka Burco Oo Garoowe La Geeyey


Hargeysa(HWN):-Xoghayaha arrimaha bulshada ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Maxammed Sadiiq Dhame, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mashiinkii baadhista dhiigaga ee uu laha isbitaalka Ceerigaabo la xaday isla markaana loo iib geeyay Garoowe.

Sadiiq Dhame



Xoghayaha, ayaa ku andacooday in mashiinka la xaday, isla markaana ay wasaarada caafimaadku qarinayso cida mashiinka xaday ee u iib gaysay magaalada Garowe ee caasimada dowlad-goboleedka Puntiland.


"Isbitaalkii guud ee magaalada Ceerigaabo ee caasimada gobolka Sanaag waxa laga xaday mashiinkii baadhista dhiigaga, ee CPC Complete Blood Count oo qiimo ahaan taagna $20k, oo aha shaybaadhka kaliya ee uu leeyahay isbitaalka magaalada Ceerigaabo” ayuu yidhi.


"Sidaanu xog ku helay waxa loo iib geeyay magaalada Garowe, oo dadkii qaatay ay u iib geeyeen, dad ayaa ku eedaysan oo lagu tuhunsanyahay inkasta oo ilaa hada wasaaradu anay si cad u sheegin oo ay qarinayso, oo aan la sheegi karin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.


Dhame, ayaa wasaarada caafimaadka ku eedeeyay in ay ka indha qarsanayso cida ku eedaysan xadida mashiinka .


"Waxa aad iyo aad nasiib daro u ah oo umadan iyo qarankan midna qabanin, in mashiinkii shaybaadhka, ee umada ka dhexeeyay ee isbitaalku lahaa inta la xaday lagu tasarufay isla markaana la iib geeyay, wasaaradii caafimaadkuna ay ka indha qarsanayso” ayuu yidhi.


Xukuumada Somaliland, ayaan ilaa hada ka hadal mashiinka uu xisbiga Waddani sheegay in laga xaday isbitaalka Ceerigaabo isla markaana loo iib geeyay magaalada Garowe ee caasimada dowlad-goboleedka Puntiland.


Loading...
Loading...