Degmada ceerigabo ma saxaafadeeda ayaa gabtay mise aqoonyahankeeda.Waxa Qoray C/raxmaan Xidig.

0
Tuesday July 27, 2021 - 20:18:10 in Articles by
  • Visits: 1075
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Degmada ceerigabo ma saxaafadeeda ayaa gabtay mise aqoonyahankeeda.Waxa Qoray C/raxmaan Xidig.

    egmada ceerigabo ma saxaafadeeda ayaa gabtay mise aqoonyahankeeda.Waxa Qoray C/raxmaan Xidig.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

egmada ceerigabo ma saxaafadeeda ayaa gabtay mise aqoonyahankeeda.Waxa Qoray C/raxmaan Xidig.

Saxaafadu waxay wax badali kartaa markay hesho bulsho u heelan Hurumar ama isbadal la taabankaro inta badana waxa fure u ah bulshada halka ku nool weliba dhalinyarada aqoonyahanka balse saxaafadu ma badali karto bulsho dulmiga la saaxiiba ah oo an jeclayn inay sheegaan runta ama maqlaan runta "truth,,.Hadaba doorka saxaafada ee degmada ma yihiin kuwo buuxin kara baahiyaha kala duwan ee ku gadaaman degmada ceerigaabo?anigu aragti ahaan waxaan qabaa inay buuxin karaan weliba hagar laa'an sababtuna waxa weeye saxufiyiinti ku sugan degmada ceerigabo oo u badan dhalinyaro firfircoon ka fogna qabyaalad, eex, qoqob, dhexna ka ah dhacdooyinka xasaasiga ah wax yeeli kara nabad galyada bulshada ay u adeegaaan.


May be a closeup of 1 person

Aqoonyahanka magalada ceerigaabo iyagaa gabay kaalintoodi hurumar iyo isbadal ee laga filayey iyagoo ilaashayo dano shakhsiyadeed oo aan looga fadhiyin wakhtigan iyagoo iftiinki iyo indhihii bulshada u bidhaamin lahayd xaqa iyo baadilka Hurumarka iyo Hiigsiga taas aynu ognahay aqoonyahanka gobolada kale halka ay gaadhsiinyeen goboladooda iyo halka ay hilmiladoodu tahay inay gaadhaan mustaqalka dhaw iyo ka fogba halka aqoonyahanka degmada ceerigabo uu ka fooganyahay dano shakhsiyadeed,qoqob,xasad,eex iwm.

Marka bulshooy,ceerigabo inay heeryadeeda sidato welibana qarsato dulmiga ma aqoonyahankeeda ayaa ugu wacan mise saxaafadeeda.
W/Q: Craxmaan xidig

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...