Halkuu Marayaa Tartanka Mucaaridku Iyo Muxaafidku Ugu Jiraan Hanashada Shirgudoonka Golaha Cusub Ee Wakiilada?

0
Tuesday July 27, 2021 - 19:56:02 in News by
  • Visits: 1559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Halkuu Marayaa Tartanka Mucaaridku Iyo Muxaafidku Ugu Jiraan Hanashada Shirgudoonka Golaha Cusub Ee Wakiilada?

    Halkuu Marayaa Tartanka Mucaaridku Iyo Muxaafidku Ugu Jiraan Hanashada Shirgudoonka Golaha Cusub Ee Wakiilada?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkuu Marayaa Tartanka Mucaaridku Iyo Muxaafidku Ugu Jiraan Hanashada Shirgudoonka Golaha Cusub Ee Wakiilada?

Doorashadii ka dhacday Somaliland 31-kii May intii ka danbeysay ilaa imika waxa socda loollan u dhaxeeya xisbiyada oo ku saabsan cidda hoggaamin doonta shirguddoonka aqalka Wakiilada.




Sida labada dhinac u kala cod bataan ayay ugu kala guulaysan doonaan kuraasta shir-guddoonka oo aan wali la cayimin fadhiga lagu dooranayo.

Tirada xildhibaanada ee xisbiyada u soo kala baxay wax ayaa iska badalay maadaama ay labada dhinac-ba soo bandhigeen xildhibaano kaga soo biiray dhinaca kale.

Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa lagu wadaa inay yeeshaan fadhigoodii ugu horeyay , waxaana xilliga uu fadhigaasi qabsoomayo awood u leh inuu shaaciyo madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi.

Kulanka ugu horeeya ee ay yeeshaan golaha Wakiillada Somaliland, ayaa xubnaha cusub ee golaha lagu dhaarin doonaa islamarkana waxa la dooran doonaa saddexda xubnood ee shir gudoonka golaha.

Labada xisbi ee mucaaradka oo isbahaystay, ayaa waxa u soo baxay 52 xildhibaan oo ah aqlabiyad aad u badan halka xisbiga talada haya ay u soo baxeen 30 xildhibaan.

Xisbiyada mucaaradka ee Ucid iyo Waddani oo shaaciyay inay sameeysteen isbahaysi, ayaa waxay shir gudoonka u so sharaxeen saddex xubnood.

Cabdi Risaaq Khaliif Axmed oo ka soo baxay xisbiga Waddani ayay mucaaradka la doonayaan in uu qabto xilka gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland.

Guddoomiya ku xigeenka kowaad iyo kan labaad, ayaa waxay xisbiyada mucaaradka u soo kala sharaxeen labo xubnood oo ka socda xisbiga mucaaradka ee Ucid oo kala ah Cumar Jaamac Faarax iyo Cali Xaamud Jibriil.

Dhanka xisbiga talada haya ee Kulmiye oo sheegay in ay heshiis la galeen xubno ka soo goostay xisbiga mucaaradka ee Ucid, ayaa waxay jagada gudoomiyaha golaha Wakiillada la doonayaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo ka socday xisbiga Kulmiye.

Kulmiye, ayaa sidoo kale waxay xubnaha ka soo baxay xisbiga Ucid la doonayaan gudoon ku xigeenka oo ay u tartamayaan Saciid Mire Faraax (Giire) iyo Cabdinaasir Yuusuf Cusmaan (Qodax).

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa hore u sheegay inuu ka shaqaynayo sidii uu Faratoon ku noqon lahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Sadexda Xisbi qaran, ayaa kala jiidanaya Xildhibaanada si ay ugu guulaystaan shirguddoonka, iyaga oo lacago u soo bandhigay Xildhibaanada.

Geesta kale, Xildhibaan Abiibakar Siciid Cali Gaboobe oo xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Awdal, ayaa shalay sheegay in xisbiyada isbahaysiga mucaaradku ay u sheegeen in ay siin doonaan $100 kun hadii uu taageero xubnaha mucaaradku u sharaxeen doorashada shirgudoonka Wakiillada.

Sikastaba ha-ahaateen, illaa xilligan waxa soo baxayay in Xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye ay ku jiraan olole xooggan, kaasi oo hadba weji cusub yeelana.


Loading...
Loading...