Muuse Biixi Oo Saxeexay Xeerka Furista Ururada Siyaasada

0
Tuesday July 27, 2021 - 17:22:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Saxeexay Xeerka Furista Ururada Siyaasada

    "waxaana innagu waajib ah in aynu Ururro furano"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaana innagu waajib ah in aynu Ururro furano"

Hargaysa (HWN) Muuse Biixi Cabdi, ayaa qallinka ku duugay Xeerka furista Ururrada Siyaasaadda ee Xeer 14 oo dhawaan ay ansixiyeen Golaha Guurtidu.



Muuse Biixi, ayaa la sheegay inuu toddobaadkan saxeexay xeerkan oo si rasmi ah u dhaqan geliya, saxeexa Madaxweynaha ka dib.


"Madaxweynuhu wuxuu saxeexay Xeerkii furista ururrada siyaasadda, waxaana innagu waajib ah in aynu Ururro furanoā€¯ sidan waxa yidhi Xildhibaan Cali Barre, oo ka mid ah Xildhibaannada xilka banaynaya ee Golihii hore ee Wakiillada Somaliland.


Sidoo kale, warar xogogaal ah ayaa tibaaxaya in Madaxweynuhu wax ka beddelka Xeerka furista Ururrada saxeexay, isla markaana maalmaha soo socda lagu soo saari doono faafinta rasmiga ah.


Xeerkan ayaa ku soo aadaya xili loolan adagi ka taaganyahay shirgudoonka Golaha Wakiilada ee dhawaan la doortay, kaasi oo dadka siyaasada udhuun daloolaa sheegayaan in xeerkani uu ku doonayo Muuse Biixi in uu ku khal khaliyo xidhibaanada Golaha Wakiilada.

Loading...
Loading...