Markab Labaad Oo Ka Noqday Dekeda Berbera Isagoon Rogin Alaabtii Saarnayd

0
Tuesday July 27, 2021 - 15:09:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markab Labaad Oo Ka Noqday Dekeda Berbera Isagoon Rogin Alaabtii Saarnayd

    Markab Labaad Oo Ka Noqday Dekeda Berbera Isagoon Rogin Alaabtii Saarnay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markab Labaad Oo Ka Noqday Dekeda Berbera Isagoon Rogin Alaabtii Saarnay.

Berbera (HWN) Shalay waxa dib uga noqday dekeda Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil markab alaab usiday qaar kamid ah ganacsatada Somaliland, kaasi oo alaabo kala duwan uwaday Ganacsatada.


Markabkan ayaa la sheegay in ay ka dhalatay dib unoqoshadiisu kadib markii dabaylo xoogan ay sababeen in markabka dekeda lagu soo xidhi kari waayo




Warar kale oo laga helayo markabkan ayaa sheegaya in alaabadii uu iskaga rogayo Dekadda Jeddah, halkaasi oo muddo dambe ay oolayso inta laga helayo markab xagga somaliland u soo baxaya.


Ganacsatadii uu u rarnaa markabkani ayaa iyaguna dhankooda walaac weyn ka muujinaya alaabtoodan dib uga noqonaysa dekada berbera, maadama bishan gudaheeda uu noqonayo markabkii labaad ee ka noqday dekada berbera, taasi oo keenayso dib u dhac badeecadeedd, sidoo kale suuro-gal ka dhigaysa in markale ay sababto maceeshada oo qaaliyowda.


Hawlaha Badda oo ay ka mid tahay xidhista iyo furista maraakiibta ayaa ah shaqo ay gaar u leedahay Somaliland, gaar ahaan hayadda Dekada Somaliland.

Loading...
Loading...