Reer Awdal Oo Soo Bandhigay Cida Ay La Rabaan Shirgudoonka Wakiilada, Fariimana U Diray Xisbiga Kulmiye

0
Tuesday July 27, 2021 - 10:36:44 in News by
  • Visits: 3591
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reer Awdal Oo Soo Bandhigay Cida Ay La Rabaan Shirgudoonka Wakiilada, Fariimana U Diray Xisbiga Kulmiye

    Reer Awdal Oo Soo Bandhigay Cida Ay La Rabaan Shirgudoonka Wakiilada, Fariimana U Diray Xisbiga Kulmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Reer Awdal Oo Soo Bandhigay Cida Ay La Rabaan Shirgudoonka Wakiilada, Fariimana U Diray Xisbiga Kulmiye


Bulshada ku dhaqan caasimada Gobolka Awdal ee Boorama,ayaa si weyn u taageeray xubnaha ay isbahaysiga mucaaradku ay u xuleen Musharraxiintashir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,waxaanay farriimo u direen Xildhibaannada reer Awdal ee KULMIYE ka soo baxay oo ay ugu baqeen inay tageeraan Musharraxiinta shir guddoonka ee isbahaysiga.

Awdal History - Boorama-2020: Mar Kale Iyo Muuqaalada Yaabka Leh Ee Magaalada Boorama-2019/2020. | Facebook


Qaar kamid ah Bulshadaku dhaqan Magaalada Boorama oo war-baahinta la haddlay ayaa sheegay inay taageersan yihiin Musharraxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdirisaaq Khaliif iyo Musharraxa guddoomiye xigeenka 1-aad Cumar Jaamac Faaraxiyo Musharraxa guddoomiye xigeenka 2-aad Cali Xaamud Jibriil

Dhanka kalene qaar kamid bulshada reer Awdal oo arrintaas ka hadashay ayaa sheegay sidan:-"Waxa aanu taageeraynaa Musharraxiinta isbahaysiga Mucaaradka sababtoo ah waxa kamid ah xubnaha Xildhibaan Cai Xaamud Jibriil oo ka soo jeeda Gobolka Awdal isbahaysigu wey siiyeen saami sax ah reer Awdal,lakiin KULMIYE Musharraxiintiisa shir guddoonka reer Awdal kuma jiraan kursigoodiina cid kale ayuu siiyey,markaa waxa aan leenahay Xildhibaannada reer Awdal ee KULMIYE ka soo baxay danta Qaranka iyo ta reer Awdal isbahaysiga ayey ku jirtaan waa in aad taageertaan oo aad ku dayataan Maydhanne .”ayey sheegeen

Geesta kalena waxa ay amaan ujeediyeen Xildhibaan Maydhane oo dhawaan shaaciyey in aan reer Awdal KULMIYE wax u yaallaa jirin, balse danta reer Awdal iyo ta qaranka ay ku jirto doorashada Musharraxiinta shir guddoonka Golaha Wakiillada ee isbahaysiga " Xildhibaan Maydhanne hore ayuu Gobolka Wax uga qabtay haddana wuu saxan yahay waanan soo dhaweynayaan inuu taageero Musharraxiinta shir guddoonka ee isbahaysiga Mucaaradka, 12 Xildhibaan ee kalena waxa aanu leenahay ku dayda Maydhanne oo raaca jidkaas,kuwa KULMIYE weli joogana waxa aanu leenahay wax-ba idiin-ma yaallaan KULMIYE ee go’amo qaata oo taageera isbahaysiga oo ah meesha ay danta reer Awdal ku jirto ”



Loading...
Loading...