Khaliif Iyo Faratoon Oo Markii Ugu Horaysay Si Toosa Uga Hadlay Tartanka U Dhaxeeya Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

0
Tuesday July 27, 2021 - 10:34:08 in News by
  • Visits: 3042
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khaliif Iyo Faratoon Oo Markii Ugu Horaysay Si Toosa Uga Hadlay Tartanka U Dhaxeeya Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

    Khaliif Iyo Faratoon Oo Markii Ugu Horaysay Si Toosa Uga Hadlay Tartanka U Dhaxeeya Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khaliif Iyo Faratoon Oo Markii Ugu Horaysay Si Toosa Uga Hadlay Tartanka U Dhaxeeya Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka


Musharrax Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ay u Xusheen isbahaysiga Xisbiyada Mucaaradka UCID iyo WADDANI Cabdirasaaq Khaliif Axmed iyo Musharraxa Xisbiga KULMIYE uu u sharraxay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada YaasiinXaaji Maxamuud Faratoon, ayaa markii u horaysay ka hadlay sababta uu mid waliba u doonnayo inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

Xildhibaan Golaha Wakiilada Ka Soo Baxay Hargaysa Oo Kala Doortay Khaliif Iyo Faratoon?


 

Labadana Muddane oo ay Idaacada Bbc-du wax ka weydiisa arrintaas ayaa uu mid waliba sheegay inuu yahay ka ugu haboon inuu ka fadhiisto kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

Ugu horeyn Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud(Faratoon) oo sharraxaya waxa uu u doonnayo inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan:- "Shantii Madaxweyne ee dalka ka soo shaqeeyey shantaba waan la soo shaqeeyey ,waxa aan u soo doontay jagada tan waxa weeye, maddaama oo aan khibrad leeyahay in aan halkaas hore uga sii qaado,waxaa aan leehay laba iyo sideetanka Xildhibaan hawshaa ninkii ugu haboonaa ayaan ahay ,waxaan rejeynayaa in aad midhkaa igu teegeeri doontaan oo aad i dooran doontaan.”ayuu yidhi faratoon

Dhanka kalene Musharraxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee isbahaysiga Xisbiyadda Mucaaradka ah Xildhibaan Cabdirasaaq Khaliif ayaa isna ka hadlaysababta uu u doonnayo inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland"Waxa aan is leeyahay waad ogtahay labadaba duruufaha yaal marka uu Mucaarad yahay iyo marka uu Muxaafid yahay,waxa kale oo aan is leeyahay waxa aad xog-ogaal u tahay duruufaha yaala dalkahaddii aan Siyaasadda ku jiray iyo haddii aan Ganacsiga iyo haddii arrimaha kale ee bulshada iyo dhaqanka labadaba ka shaqaynayey oo aan is leeyahay xog-ogaal baddan ayaa u tahay,waxa kale oo aan is leeyahay waad ku muddan tahay in aad shaqada tan qabato wakhtiga aan joogo ,waxa aan is leeyahay waa xili ku haboon in aad Golaha hoggaamiso marka loo eego aqoon ahaan khibrad ahaan iyo marka loo eego awood ahaanta shaqsiga ah "

Musharrax Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirasaaq Khaliif ayaa sheegay in haddii la ixtiraamayo sharciga dalka in aan booskaa lagu tartameen oo aanay Xukuumaddu hungurayseen maddaama aqlabiyada ay haystaan Mucaaradku,waxaanu sheegay in rafadka Xukuumaddu uu iska soo dhammaan doonno"Marka intaas oo dhan la isku darro iyo xaqiiqda Xisbiyadii mucaaradka ahaa oo helay aqlabiyadu inay hoggaamiyaan Golaha,haddii ay jirto garasho oo la ixtiraamayo shuruucda dalka may ahayn in lagu tartamo ee waxay ahayd in sida uu sharcigu qorayo,maddaama labadii Xisbi ee aqlabiyada haystay ay isku tageen oo ay sameeyeen isbahaysi magacaabeen shir guddoon in la ixtiraamo oo Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisuna ay ixtiraamaan ayey ahayd lakiin Gal-galasho baddan ayey ka galeen,waxa aan rajeynayaa in gal-galashadaasi inay iska soo dhammaan doonto .”



Loading...
Loading...