Xashiishada Oo Siyaable Loo Soo geliyo Somaliland Iyo Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay
Hargaysa (HWN) Taliyaha Ciidanka
Booliska Somaliland General Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa sheegay in
maandooriyaasha Khamriga iyo xashiishadu dalka dhibaato wayn ku hayaan.
Taliyaha ayaa sheegay in
siyaabooyin kala duwan loo soo galiyo dalka, sida in ay dhacday in Istambiga
gawaadhida lagu soo guro xashiishada iyo inay dhacday in Furaash lagu soo guray
xashiishad, dabadeed qof bukaan laga dhigay la dul jiifiyay.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay
in tiraba dhawr jeer ay dhacday xashiishad lagu beeray beeraha duleedka
magaalada iyo guryaha dhexdooda.
Taliyaha ayaa soo jeediyay in dhammaan hay'addaha dawladda iyo bulshadu ka hawl-galaan cidhibtirka Maan-dooriyayaasha, isagoo ugu dambayn soo jeediyay in hay'addaha dawladu kawada qayb-qaataan sida wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Warfaafinta, Caafimaadka, Waxbarashada oo uu sheegay in manhajka lagu daro dhibaatada ay leeyihiin Maan-dooriyayaashu.
Todobaadyadii ugu dambeeyay ayay ciidamada Booliska Somaliland ay soo bandhigeen maandooriye kala duwan oo gacantu ku soo dhigeen kuwaasi oo la doonayay in la soo geliyo Dalka.