Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Itoobiya Iyo Madaxwaynaha Canfarta Oo Baaq Diray

0
Tuesday July 27, 2021 - 08:34:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Itoobiya Iyo Madaxwaynaha Canfarta Oo Baaq Diray

    "Ma jiro wax hub ah oo na wiiqi kara. Waxaan ku guuleysan doonnaa dagaalkan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ma jiro wax hub ah oo na wiiqi kara. Waxaan ku guuleysan doonnaa dagaalkan"

Dowlad deegaanka Canfarta ayaa ugu baaqday dadka deegaanka inay la dagaalamaan falaagada Tigreega, sida ay qortay wakaalada wararka ee AFP.



"Qof walba oo Canfar ah waa in uu difaacaa dhulkiisa sida ugu macquulsan, haddii uu ku difaci lahaa xabbad, ulo ama dhagxaan," ayuu yiri madaxweynaha Canfarta Awal Arba, sida ay qortay wakaalada wararka ee AFP.


"Ma jiro wax hub ah oo na wiiqi kara. Waxaan ku guuleysan doonnaa dagaalkan" ayuu intaa ku daray.


Xukuumadda gobolka Axmaarada ayaa baaq kan la mid ah horey u dirtay.


Waxay wararku sheegayaan in falaagada TPLF ay weeraro ka bilaabeen meel u dhaw xadka Tigray iyo Canfarta.


Madaxa Maareynta Masiibooyinka ee Gobolka Canfarta ayaa usbuucii la soo dhaafay u sheegay BBC-da in in ka badan 70,000 oo qof ay ku barakaceen colaadda.


Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay in dad ka badan 20 qof oo rayid ah la dilay.


Afhayeenka TPLF Gitachew Reda ayaa dhankiisa ku tilmaamay howlgalka ka socda gobolka Canfarta mid "aad u xadidan" oo lagu qaaday ciidamada gaarka ah ee Oromiya ee ka dagaalamaya gobolka Canfarta.


Hasa yeeshee madaxweynaha dowlad deegaanka Canfarta ayaa beeniyay eedeymahaasi.


"Dadka qaar waxay u maleynayaan in TPLF ay ku raadjoogaan ciidamada gaarka ah ee Oromiya,laakiin taasi waaa mid runt aka fog, " ayuu yiri.


Dhanka kale dibadbaxyo ayaa shalay ka dhacay dhowr magaalo oo dalka Itoobiya ka tirsan.


Warbaahinta Axmaarada ayaa ku warantay in banaanbaxyo lagu qabtay magaalooyinka Gonder, Dansha, Gonder iyo Injibara kuwasai oo lagu taageerayo ciidamada difaaca qaranka isla markaana looga soo horjeedo jabhadda TPLF.


Wakaalada wararka ee Itoobiya ayaa dhankeeda ku warantay in banaanbaxyo dadweyne lagu qabtay magaalooyinka Semera-Logia, Aisaita iyo Abela oo ka tirsan Gobolka Canfarta.


Malmo ka hor ayay ahayd markii caasimadda Addis Abab lagu qabtay dibadbaxyo lagu taageerayay militariga dowladda Itoobiya.


BBC


Loading...
Loading...