Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Loollanka Shirguddoonka Wakiillada Iyo Xildhibaano Ka Goostay KULMIYE

0
Monday July 26, 2021 - 19:10:23 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Loollanka Shirguddoonka Wakiillada Iyo Xildhibaano Ka Goostay KULMIYE

    Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Loollanka Shirguddoonka Wakiillada Iyo Xildhibaano Ka Goostay KULMIYE

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Loollanka Shirguddoonka Wakiillada Iyo Xildhibaano Ka Goostay KULMIYE



Hargeisa(HWN):-marna is-muquuninta shirguddoonka Golaha Wakiillada, ayaa galay wajigii ugu dambeeyey ee ay ku kala calaf qaadayeen labada garab ee Xisbga KULMIYE iyo isbahaysiga Xisbiyadda UCID iyo WADDANI oo hadda isu arka dhankooda inay yihiin Ragga Xaraarta-butaystay oo aan cid kale ku qoor-diyeyn,waxaad moodaa in ciyaartii kama dambeysta ee lagu kala hadhaayey ay hadda u wareegtay garoomada deegaanada Gal-beedka dalka, walow Magaallooyinka Burco iyo Hargeysa labada laga dareemaayo dhaqdhaqaaqyo loogu diyaar-garoobayo ka qaybgalka ciyaarta soo gunnaanadi doonta loollanka mudada dheer soo jiitamaayey.


Dhanka kale, Hoggaanka Isbahaysiga mucaaradka ee WADDANI iyo UCID ayaa qaabilay xildhibaanno Xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Awdal oo ballanqaaday in ay dhisayaan musharraxiinta Shirguddoonka Golaha Wakiillada ee Isbahaysiga Mucaaradka.
Cabdirisaaq Khaliif oo ka sharaxnaa... - Aidarus Beershiya | Facebook

Musharraxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdirisaaq Khaliif iyo Musharraxa guddoomiye xigeenka 1-aad Cumar Jaamac Faarax ayaa si weyn ugu mahadceliyay Xildhibaannada, islamarkaana ballanqaaday in ay tabashada reer Awdal ee dhanka Saamiga si weyn u taageeri doonaan dadaallada wax lagaga qabanayo.

Sida oo kale Afhayeenka Xildhibaannada Gobollada Awdal iyo Salel Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane ayaa ballanqaaday inay u codaynayaan Musharraxiinta Shirguddoonka ee Isbahaysiga Mucaaradku soo xulay

"Anigu KULMIYE ayaan ahay KULMIYE ayaan ahaan doonnaa ,laakiin Caddaaladu meesha ay taallo waddanku caddaalad ayuu u baahan yahay, maanta caddaalad cid noogu hiilisa ayaan isbahaysi la samaysanay haddii aanu reer Awdal nahay,waxaan ka tagnay Caddaalad darrada Madaxweynaha maanta jooga ee Muuse .”

Waxa uu intaas ku sii daray " Maalintii aan haddalnay ee hawsha shirguddoonka aan ka hadlaynay in Caddaalad loogu qaybiyo dadka wey dhici weyday annagoo nidhi toddobada Xubnood ee mucaaradka ayaanu keenaynaa Guddoomiye ku-xigeenka ayaan xaq u lahayn hanala siiyo ayaanu jawaab weynay,markii aanu Warbaahinta ka haddalnay waa na loo yeedhay waanu is hor fadhiisanay,waxaan ku nidhi haddii aad labadii Xubnood naga qadisay oo ma inankaas ayaa naga miisaan culus Qodax waxa uu noogu jawaabay isaaq ayuu tirsanayaaye ,annagu Madaxweyne Somaliland ah ayaan mooddaynee haddii uu oday isaaq noqday ,taas ayaan ka tagnay wax reer Awdal halkaa u yaallaa ma jirto.”

Geesta kale, Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane ayaa sheegay in Xildhibaannada kale ee reer Awdal oo ka soo baxay Xisbiga KULMIYE ay iyana imanayaan halkan si ay u dhisaan shirguddooonka Somliland loo dhan yahay

"Xildhibaannadii Xisbiga KULMIYE anniga oo ah inta kalene u tallinayana wallaahay oo leh soo raaca xaqa ,Waxa aan ballan-qaadayaa in aan codkayga ugu hiilinayo codkayga xaqa halka uu yaallo Musharraxiinta isbahaysia Cabdirasaaq Khaliif, Cumar Jaamac iyo Cali Xaamud .”Ayuu yidhi

Waxaanna warar xog-oggaal ah ayaa wargeyska Waaberi u sheegay in tiradda Xildhibaannada ay haystaan isbahaysiga Xisbiyadda Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ay gaadhayaan kontan Mudane, halka Xildhibaannada uu haystaa Xisbiga KULMIYE ay yihiin 32 Xildhibaan, waxaanna la sheegay in haddii uu haysan lahaa KULMIYE aqlabiyad aanu u laba lugoodiyeen ee uu Muuse Biixi iskugu yeedhi lahaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada, hase-yeeshee uu wali naawillaayo inuu Xubno kale uu helo.

Loading...
Loading...