Muuse Biixi Oo Wajib Gabax Siyaasadeed Ka Wajahaya Gobolka Awdal Iyo Sababta Keentay

0
Monday July 26, 2021 - 14:57:45 in News by
  • Visits: 2192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Wajib Gabax Siyaasadeed Ka Wajahaya Gobolka Awdal Iyo Sababta Keentay

    Muuse Biixi Oo Wajib Gabax Siyaasadeed Ka Wajahaya Gobolka Awdal Iyo Sababta Keentay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Wajib Gabax Siyaasadeed Ka Wajahaya Gobolka Awdal Iyo Sababta Keentay


Muuse Biixi Cabdi, ayaa weji-gabax siyaasadeed oo hor-leh kala kulmay shaacintii Musharraxiinta shir guddoonka ee KULMIYE,kaddib markii arrinkaas ka biyo-diideen Kaaderintii Xisbigu,iyadoo qaarkood ay u sheegaan in aanu guul ku gaadhi karrin Xisbigu, halka kuwo can-dhuuftooda dib-u-liqay, kana quustay rajadii ay ka qabeen in Xisbigoodu guul kasoo hooyo doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada ee fooda inaggu soo haysa.



Wararka laga helay Xisbiga KULMIYE qaarkood,ayaa sheegay in arrinka shaacinta xubnahani uu guux iyo dood ka dhex-dhaliyey kaaderiinta iyo xubnaha waayo-aragga ah ee Xisbiga KULMIYE, kuwas oo badi ku doodaya in xubnaha Musharraxiinta shir guddoonka KULMIYE inaanay ahayn kuwii ku haboona Xilligan,isla markaana aanu guul ka gaadhi karrin Xisbigu doorashada shir guddoonka,marka wax-yaabo baddan la eego.


Waxa kaloo Wararka amuurtan la xidhidha intaa ku darreen, inaan la isu-miisaamin, isla markaana aan laga baaran deggin ficilka arinkan kasoo noqon karaa. Sidoo kale, wararka qaar ayaa sheegaya inay masuuliyiin tiro badan oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE, ay gacmaha ka laabteen loollanka shir guddoonka,isla markaana ay ka gaabsadeen-ba

Dhanka kale, Warar u helayWargeyskaWaaberi, ayaa tibaxay in socdaal ay dhawaan ku tageen Wasiir Saajin iyo xubno kale oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE inay kale soo laabteen Boorama wajigabax,isla markaan ay suurtageli weyday inay furranaa xadhkiihii Siyaasadeed ee ay gunteen isbahaysiga UCID iyo WADDANI.

Loading...
Loading...