"Liidasho Iyo Gunnimo Ka Weyni Ma Jirto Inaad Ka Leexato Xisbigii Fursada Ku Siiyey Ee Aad Ka Soo Baxday"...Xisbiga Waddani

0
Monday July 26, 2021 - 14:04:47 in News by
  • Visits: 1422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    "Liidasho Iyo Gunnimo Ka Weyni Ma Jirto Inaad Ka Leexato Xisbigii Fursada Ku Siiyey Ee Aad Ka Soo Baxday"...Xisbiga Waddani

    "Liidasho Iyo Gunnimo Ka Weyni Ma Jirto Inaad Ka Leexato Xisbigii Fursada Ku Siiyey Ee Aad Ka Soo Baxday"...Xisbiga Waddani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Liidasho Iyo Gunnimo Ka Weyni Ma Jirto Inaad Ka Leexato Xisbigii Fursada Ku Siiyey Ee Aad Ka Soo Baxday"...Xisbiga Waddani


Hargeysa(HWN):-xoghayaha arimaha bulshada xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa ka hadlay qorshahaha xildhibaanadu isku badalayaan ee ay kaga tagayaan xisbiyada ay ka soo baxeen.

Wararka Maanta: Khamiis, Jun 27, 2019-Maxkamada gobolka Maroodi jeex oo xukun lix bilood ah ku riday Maxamed Sidiiq Dhamme


xoghaye Dhamme oo fariin u diraya xildhibaanada cusub ee loo doortay golaha wakiilada somaliland ayaa waxa uu yidhi " xogLiidasho iyo Gunnimo ka weyni ma jirto in Xisbi ku maamuusay oo ku siiyay fursad iyo kursi aad ka taratanto aad ka leexato markaad soo baxdo, weliba aad u leexato Xisbigii liiska musharraxa kuu diiday ee reernimo ama cod yaraan kugu diiday in aad maanta raacdo adoo Xildhibaan qaran ah. waa qiyam la’aan qof kasta oo leexdaa sameeyay, Xildhibaanadu Xisbiyadooda ha iimaansadaan.


Xildhibaanada reernimo leexdaa iyaguna gobanimo may samayn, rag badan oo Muuse Biixi eryay ayaa maanta safka hore ku jira, cagaha dhulka ku xejiya oo caadifada qabyaaladeed yaanay idin ilawsiin Xisbiyada idiin hiiliyay ee idin sharraxay. taariikh ayaa qormaysa adduunna warbaa ka hadha, mudane guur guurku suunno xun weeyaane dhaqankaa halla bedelo.


Waxaan boogaadinayaa oo aan la gaasiri karin raganimadiisa Xildhibaan Axmed ku-caddeeye iyo xildhibaano badan oo dhigiiya oo xodxodasha kasta diiday, waxay muujiyeen adjaysi, mabda, matalaad dhaba, gabanimo. waxaanay tuseen kuwii kursiga sharraxaadda u diiday in ay yihiin rag abaal leh oo iimmaan qaba.




Loading...
Loading...