Dawlada Itoobiya Oo War Cusub Ka Soo Saartay Isticmaalka Dekeda Berbera
Wasiirka Gaadiidka iyo Jidadka ee Xukuumadda Federaalka Itoobiya, Degmawit Moges, ayaa sheegtay in Dekedda Berbera ay ka mid tahay Dekedaha ay istcimaali doonaan ee ay wax kala soo dagi doonaan dalka Itoobiya.
Wasiirka Gaadiidka Dawlada Itoobiya Dagmawit Moges oo Telefishanka Qaranka Itoobiya u waramaysay ayaa waxa ay Sheegtay in wakhti xaadirkan Wadanka Itoobiya uu adeegsan doono Dekedaha Berbera Dekeda Sudan iyo Dekeda Jabuuti.isla, markaana loo baahanyahay marin Dekedood oo ku filan.
Wasiirka Gaadiidka Dawlada Itoobiya Dagmawit Moges ayaa waxa ay carabka ku adkaysay in daruuri tahay faa,iidada dhaqaale ee marin u helista dekeddo kala duwan Itoobiya wax kala soo dagto.
Sidoo kale Wasiirka Gaadiidka Dawlada Itoobiya Dagmawit Moges ayaa sheegtay in Itoobiya ay ka shaqeyneyso ballaadhinta Dekedaha ay isticmaali doonto,Waxaana ay tidhi”Waxaa loo baahan yahay si loo hubiyo in Ganacsiga dhoofinta ee sii kordhaya uu helo marin dekadeed oo ku filan,Xilligan Waddanku wuxuu adeegsanayaa Berbera iyo Port Sudan marka lagu daro dekedda Jabuuti,”.