Xildhibaan KULMIYE Ka Tirsan Oo Sheegay In Is-bahaysiga Mucaaridku Ku Baayaceen Boqol Kun Oo Dollar

0
Monday July 26, 2021 - 13:37:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan KULMIYE Ka Tirsan Oo Sheegay In Is-bahaysiga Mucaaridku Ku Baayaceen Boqol Kun Oo Dollar

    "Taasi waxa ay noqotay arrinta wiiqday hankayagii aanu ku doonaynay ku xigeenka koowaad"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Taasi waxa ay noqotay arrinta wiiqday hankayagii aanu ku doonaynay ku xigeenka koowaad"

Hargaysa (HWN) Xildhibaan Abuubakar Siciid Cali oo ka tirsan xildhibaannada xisbiga KULMIYE uga soo baxay Gobolka Awdal ayaa sheegay in xisbiyada is-bahaysigu ku baayaceen lacag dhan boqol kun oo dollar arrintaasi oo shalay markii uu xildhbaanku ka hadlay ee warbaahintu baahisay dhalisay doodo iyo hadal hayn badan.




Xildhibaan Abuubakar Siciid Cali oo difaacayay xisbiga KULMIYE iyo Muuse Biixi ayaa sheegay in xisbigiisu yahay kan kaliya danaha Gobolka uu ka soo jeedo wada isaga oo sheegay in aan lagu xidhin taageerada xisbiga helitaanka xubin shir-guddoonka ah oo golaha wakiillada ay reer Awdal ka helaan.


Isaga oo arrimahaasi ka hadlaya Xildhibaan Abuubakar Siciid Cali waxa uu yidhi: "Waxaan ahay xildhibaankii ugu codka badnaa ee ka soo baxay Gobolka Awdal. Waxaan hore ugu caddeeyey xildhibaannada ka soo baxay xisbiga KULMIYE in aan u taaganahay doonista ku xigeenka koowaad ee Golaha. Dhammaantayo 12-kii xildhibaan ee ka soo baxay Gobolka Awdal waxaanu isugu nimid si aanu u raadino kursigaasi ku xigeenka koowaad annaga oo markaa halkaa ujeeddo leh. Iyada oo xaaladdu halkaa marayso ayaa shaxdii is-bahaysigu waxa ay noqotay in ay soo dhigaan oo ay keenaan ku xigeenka 2aad ee Golaha wakiillada. Taasi waxa ay noqotay arrinta wiiqday hankayagii aanu ku doonaynay ku xigeenka koowaad. Intayada ka soo baxday KULMIYE sidaasi kagamaanu hadhin damacayagii ku saabsanaa doonista kursigaasi ku xigeenka koowaad. Waxa aanu la fadhiisanay oo arrintaa kala hadalnay Madaxweynaha oo ah sidoo kalena Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE. Mushkiladdu waxa ay noqotay in hal xisbi aanu lahayn awood uu ku samayn karo hanashada shir guddoonka. Sidaa darteed waa tan keentay in is-bahaysigu abuurmo. Madaxweynuhu nooma diidin saamigaasi ee diyaar baan u ahay buu yidhi balse waxa u nagu xidhay xildhibaanno inna gaadhsiiya ujeedadaasi keena. Annagii ayuu nagu soo celiyey ee may jirin wax uu noo diiday arrintaasi ayaan dadweynaha reer Awdal ka shaafinayaa. Waxaan aaminsanahay in KULMIYE ku taagan yahay dhabbadii saxda ahayd ee loogu adeegi lahaa bulshada aan matalayno. Waxaan mar walba isbahaysiga mucaaridka ka maqalnaa xildhibaanno ayaa la iibsanayaa. Waxase layaab igu noqotay anigaygan xildhibaan Abuubakar Siciid Cali ah in la ii soo bandhigay lacag si aan ugu codeeyo is-bahaysiga. Waxa la ii soo ban dhigay lacag ah boqol kun oo dollar. Aniga oo aan been sheegayn. Waxa ay igu noqotay arrin qariib ah oo aan la yaabay markii aan qiyamkayga iyo damiirkayga eegayā€¯. Ayuu yidhi Xildhibaan Abuubakar Siciid Cali oo warbaahinta la hadlay.

Loading...
Loading...