Soomaalida Iyama Cadow U Ah Axmaarada Iyo Tigreega?

0
Monday July 26, 2021 - 09:32:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 759
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Soomaalida Iyama Cadow U Ah Axmaarada Iyo Tigreega?

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Qeexitaanka erayga "Xabash”, waa eray Af-Carabi ah oo la micno ah huwan ama is-bahaysi. Sababta loogu bixiyey ayaa ah dadyowga kala duwan ee dhulkaasi ku nool. Reer Yurub waxa ay iyana u yaqaanan "Abbyssinia”. Saddexdii hoggaamiye ee ugu dambeeyey ee ka dhashay qoomiyada Axmaarada ee Itoobiya xukumayey waxa ay dejiyeen siyaasad Soomaalida lagu dafiro dhulkooda oo la sheegto inay Itoobiya ka tirsanaayeen oo ay ka fallaagoobeen. Qoomiyadda Axmaaradu Soomaalida waxa ay u haystaan inay iyagu leeyihiin oo ka tirsan yihiin qoomiyayaha ku hoos jira. Waana colaad guun ah oo soo taxnayd laga soo bilaabo 1890 ilaa 1991. Bal dhacdooyinkan dhugo si aad u fahanto colaadaasi soo jireenka ah:



Qoomiyadda Axmaarada.

= Intii u dhaxaysay 1890 ilaa 1897 waxa ay ciidamada Boqor Mililig ay Soomaalida ka dhaceen boqol kun oo Lo’ ah, laba boqol oo kun oo Geel ah, lix boqol oo kun oo isugu jira Riyo iyo Ido. Beelaha ugu badan ee uu xoolaha ka dhacay waxa ay kala ahaayeen, Geri, Jid-waaq, Ciise iyo Gadabuursi. Xoolo dhicistan waxa keenay abaar ka dhacday guud ahaan Itoobiya intii u dhaxaysay 1888 ilaa 1892, sida ku xusan buugga” The Great Ethiopian Famine” ee uu qoray Richard Pankhurst.


=Buugga "Ethiopia’s Manifest Destiny” wuxuu ka faallooday sida Boqorradii iyo madaxdii ka dambaysay ee Itoobiya mid kasta taariikh gaar ah loogu xusuusan doono: Mililik waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Harar iyo Dhiri-dhaba, Xaylse Salaase waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Hawd iyo Reserve Area, Mingistu waxa lagu xusuusan doonaa diciifintii ciidankii Soomaaliya.


="Rennel Rodd oo ahaa sarkaal Ingiriisku u xilsaaray inuu Boqor Mililik la meel dhigo xuduudda kala qaybisa Xabshida iyo Soomaalida ayaa la yaabay damaca waalan ee Mililiku ku sheeganayo guud ahaan dhulka Soomaalidu degto. Rodd wuxuu Mililik ku yidhi "dhulka oo dhan haddii Xabashidu leedahay, dhulkee ayey Soomaalidu leedahay”?. Boqor Mililig wuxuu ku jawaabay Soomaalidu waxa ay lo’da u raacdaa xabashida, dhul ay gaar ahaan u leeyihiina ma jiro. "Somalis are cattle keepers of the Ethiopians; they had to pay their tribute of the cattle to their masters. And there is not a Muslim country, as everyone knows”. Ka eeg faahfaahinta” Tiirka Colaadda 2005, Cabdiqaadir Aroma.


= Wakhtiyadii ay socotay xornimadii ay dalalka qaarada afrika ka tirsani kaga xorroobayeen gumeystayaashii reer Yurub, ayuu Boqor Xayle Salaase booqasho ku tegay dalka Faransiiska sannadkii 1967-kii, waxaanu caasimada Baaris kula kulmay madaxweynihii wakhtigaasi ee De Gualle. Wuxuu kulankaasi kaga codsaday inuu Faransiisku sii haysto Jabuuti, isaga oo ka cabsi qabay inay dhalato dawlad shantii Soomaaliyeed ahi. Waxa kale oo uu kulankaasi ka sheegay in haddii uu Faransiisku ka kacayo Jabuuti uu iyaga ku wareejiyo, maadaama oo ay hore Itoobiya uga tirsanayd. Damaciisa ayaa beentaasi aaminsan. Kulankaasi ka dib magacii loo yaqaanay Jabuuti ee ahaa ‘French Somali Coast’ waxa loo beddelay ‘Afar and Issa Territory’. Boqor Xayle Salaase oo cabbiraya dareenkiisa Soomaalida oo xornimada qaadata ayaa laga hayey” Soomaali Xorowdaa waa dameer geeso yeeshay”.


= Inay qoomiyada Axmaaradu Saylac la wareegto waxa ka warramay John Spencer oo la-taliye u ahaa boqor Xayle Salaasa waxaanu yidhi”. Xayle Selaasina Saylac xoog ayuu ku qabsan lahaa haddaan Musawac iyo Casab aanu heli lahayn 1940kii”. Qoraal uu diyaariyey Faysal Cabdi Rooble. Mingeste Xayle Maryam oo Afgambiyey Xayle Salaase ayaa 1977-kii Gaboon ka yidhi shirkii Midowga Afrika "Soomaaliya waa Qayb yar oo markii horaba ka fallaagowday Itoobiyada weyn waana ku soo darayaa”.


Qoomiyadda Tigreega:

27-kii sanno ee ay dalka Itoobiya ka talinayeen waxa ay adeegsan jireen madaxdii Soomaalida ee Kililka iyo hoggaamiye-kooxdyadii Soomaaliya ka jiray. Kililka Shanaad ee Soomaalida ayaa ay dhib badan ka dhacday iyo Muqdisho oo ay weerareen in badan kuntan kun oo ciidamada Itoobiya ah oo ay badnaayeen madaxda Tigreegu. Shicib badan ayey dagaalladii u dhexeeyey Maxkamadaha iyo ciidanka Itoobiya ku dhintay. Tigreega intaasi ayaa loo tiriyaan dhibta ay geysteen. Hasayeeshee meel ay dhulka Soomaalida ku sheegtaan taariikhda meel laguma sheegin. In kasta oo ay deegaan ahaan ka fog yihiin Soomaalida.


Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan, [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...