Kufsiga Iyo Dilka Haweenka Oo Ku Batay Somaliland Iyo Xarunta Xuquuqul Insaanka Oo Ka Dayrisay

0
Monday July 26, 2021 - 09:18:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kufsiga Iyo Dilka Haweenka Oo Ku Batay Somaliland Iyo Xarunta Xuquuqul Insaanka Oo Ka Dayrisay

    Warsaxaafadeed"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warsaxaafadeed"

Xarunta Xuquuqal Insaan ku waxay walaac weyn ka qabtaa tacadiyada ka dhanka ah haweenka oo baryahan danbe Somaliland kusoo badanaya.




8, July, 2021, waxa Hargaysa ka dhacay, dhacdo aad u naxdin badan taasoo kufsi iyo dil loogu geystay Hinda Cumar Cabdi, oo ahayd gabadh dhalinyaro ah oo degeneyd magaalada Hargeysa.


Sida ay ehelada marxuumadu u xaqiijiyeen xarunta, Hindi waxay u dhimatay dhawaci ka soo gaadhay kufsi ay kula keceen laba eedaysane oo hada falka uxidhan.


Maaha markii u horaysay ee fal noocan oo kale ahi Somaliland gudaheeda ka dhaco. Mana jiro xeer u gaara oo arimahan lagula tacaala.


Dastuurka Somaliland Qodobka 24 (1) waxa uu damaanad qaadaya xaqa nolasha aadanaha” qofna nolashiisa kuma waayikaro sifo aan sharcigu baneyn”


24(2) "waxa reeban in qofka lagula kaco waxyeelo jidheed amaba waxkasta oo khatar galin kara”.


Ugu danbayn, Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay soo jeedinaysa in Hindi cadaalad hesho, xaruntu waxay soo jeedineysa, inta laga helayo xeer u gaara arimahan in lagu sii dhaqmo xeer kii hore ee 2018.


Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Loading...
Loading...