Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Guddiga Rooble U Magacaabay Qoondada Haweenka

0
Monday July 26, 2021 - 09:05:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Guddiga Rooble U Magacaabay Qoondada Haweenka

    "Qaramada Midoobay waxa ay ku celineysaa taageeradeed buuxda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qaramada Midoobay waxa ay ku celineysaa taageeradeed buuxda"

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey guddigii uu shalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay ilaalinta qoondada haweenka ee 30%, inta lagu guda jiro doorashada dalka.



"Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa magacaabista uu maanta magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,13 xubnood oo ah guddi u qareemis, kaas oo ka shaqeynaya xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee kuraasta baarlamaanka federaalka ay haweenku ku yeelanayaan,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay QM.


Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, "Qaramada Midoobay waxa ay ku celineysaa taageeradeed buuxda ee kaqeybgalka haweenka Soomaaliyeed iyo matalaadkooda doorashooyinka soo socda.”


Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood, kaas oo ka shaqeyn doona xaqiijinta qoondada haweenka inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka kadib cabasho ka timid Haweenka Soomaaliyeed.

Loading...
Loading...