Dal Dareemay Dhibaatada Ay Sokorta Iyo Cusbada Ku Hayso Dadkiisa

0
Monday July 26, 2021 - 08:46:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dal Dareemay Dhibaatada Ay Sokorta Iyo Cusbada Ku Hayso Dadkiisa

    "Cayilka iyo buurnida badan waxay qayb weyn ka ahayd heerka dhimashada UK "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Cayilka iyo buurnida badan waxay qayb weyn ka ahayd heerka dhimashada UK "

Sonkorta iyo cusbada ama milixda waa in la canshuuraa oo khudaarta ay dadku u qortaa dadka laanta cafimaadka ee NHS-ta, waxaa sidaasi lagu cadeeyay dib u eegis madaxbanaan oo lagu sameeyay cuntada ay cunaa dadka Britain.



Warbixinta, oo uu hogaaminayo ganacsade Henry Dimbleby, ayaa sheegtay in canshuuraha oo la kordhiyo ay sare u qaadi karto bixinta cuntada iskuulka oo bilaash ah ayna taageeri karto inay cunnooyin fiican ay helaan dadka saboolka ah.


Waaxda istaraatiijiyadda Cuntada Qaranka ee England waxay sidoo kale dooneysaa GP-yada inay isku dayaan in dadka loo qoro cunadda miraha iyo khudradda si loo dhiirrigeliyo cunnooyiinka caafimaadka leh.


Boris Johnson wuxuu sheegay inuusan la dhacsanayn canshuuro dheeraad ah oo laga qaado dadka shaqeeya.


Ra'iisul wasaaruhu wuxuu intaas ku daray inuu darsi doono warbixinta, wuxuuna u ballanqaaday in dowladdu ay lix bilood gudahood uga jawaabi doonto soo-jeedinta sharciyada mustaqbalka.


Dhanka kale, warshadaha cuntada ayaa ka digay canshuuro cusub oo laga qaado sonkorta jumlada iyo cusbada taasoo sida ay sheegeen horseedi karta sicirka cuntada oo sare u kaca.


Ian Wright, oo ka tirsan Xiriirka Cuntada iyo Cabitaanada, wakiilna ka ah soo saarayaasha cunada, ayaa yiri: "Cayilka iyo cunnada ayaa aad ugu badan saboolnimada, waxaana u baahannahay tallaabooyin wax looga qabanayo saboolnimada iyo in laga caawiyo dadka inay doortaan waxyaabaha ay u baahan yihiin inay sameeyaan."


Dib-u-eegista, oo ay dowladdu u xilsaartay sannadka 2019-ka, ayaa lagu sheegay in dib-u-habeyn taariikhi ah oo lagu sameeyo nidaamka cuntada loo baahan si loo hagaajiyo caafimaadka qaranka loona badbaadiyo deegaanka.


Canshuuraha cusub ayaa lagu soo rigi doonaa bakhaarada iibiya sonkorta iyo cusbada jumlada ah taasi o haddii ay dhacdo sare u qaadi karta qiimaha dukaamada tafaariiqda lagu iibiyo.


Laakiin Mr Dimbleby ayaa yidhi: "Runtii ma rumaysanayno in waxyaalaha badankood ay sare u qaadi doonaan qiimaha - balse waxay yareyn doontaa isticmaalka dadka ay isticmaalaan sokorta iyo milixda.


Dib-u-eegiddu lagu sameeyay habka cunada ayaa timid ka dib markii la ogaaday in xanuuno badan ay sabab u yihiin cunnooyiinka ay dadku cunaan.


"Cayilka iyo buurnida badan waxay qayb weyn ka ahayd heerka dhimashada UK ee masiibada badan," ayuu yiri Mr Dimbleby, oo isagu aasaasay silsiladda cuntada degdegga ah ee Leon.


Wuxuu sheegay in soo jeedintiisa - haddii si buuxda loo hirgeliyo - ay badbaadin karto 38 kalori qofkiiba maalintii, taas oo ka caawinaysa qofka celcelis ahaan inuu lumiyo 2kg (4.4lb) culeys sanadkiiba.


BBC

Loading...
Loading...