Xildhibaan Ka Tirsanaa Golaha Wakiilada Somaliland Ee La Badalayo Oo Muqdisho U Tagay Ka Mid Noqoshada Aqalka Sare

0
Sunday July 25, 2021 - 19:30:34 in News by
  • Visits: 4034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ka Tirsanaa Golaha Wakiilada Somaliland Ee La Badalayo Oo Muqdisho U Tagay Ka Mid Noqoshada Aqalka Sare

    Xildhibaan Ka Tirsanaa Golaha Wakiilada Somaliland Ee La Badalayo Oo Muqdisho U Tagay Ka Mid Noqoshada Aqalka Sare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Ka Tirsanaa Golaha Wakiilada Somaliland Ee La Badalayo Oo Muqdisho U Tagay Ka Mid Noqoshada Aqalka Sare

Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte oo ka tirsanaa xildhibaanada la badalayo ee golaha wakiilada Somaliland ayaa la sheegay inuu u goostay magaalada Muqdisho.




xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte oo ka mid ahaa mudaneyaasha laga soo doortay gobolka Sanaag doorashadii 2005 ayey warar xogogaal ahi sheegayaan inuu dhawaan socdaal ku tagay magaalada Muqdisho isaga qorshaynaya inuu ka qayb galo doorashooyinka ka dhacaya soomaaliya.


wararka ayaa sheegaya in xildhibaan Rayte uu doonayo inuu tartan u galo kursi ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo uu damac kaga jiro inuu ka mid noqdo, iyada oo dhawaana la bilaabi doono doorashada ay ku soo baxayaan xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya.

warar ka soo baxaya dhinaca dawlada Soomaaliya ayaa sheegaya in Ibraahin Jaamac Rayte ay kala shaqaynayso sidii uu u noqon lahaa gudoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya.



Loading...
Loading...