Ujeedka Kormeer uu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ku tagay Taliska Ciidanka Dab-demiska

0
Sunday July 25, 2021 - 17:34:42 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedka Kormeer uu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ku tagay Taliska Ciidanka Dab-demiska

    Ujeedka Kormeer uu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ku tagay Taliska Ciidanka Dab-demiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ujeedka Kormeer uu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ku tagay Taliska Ciidanka Dab-demiska



Hargeisa(HWN):-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo uu weheliyo wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ayaa kormeeray taliska ciidanka Dab-demiska ee magaalada Hargeysa.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland


Waxaana halkaas ku soo dhaweeyay taliyaha ciidanka dab-demiska sarreeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, isaga oo intaa kadib Madaxweyne ku xigeenku soo maray xafiisyada kala duwan ee uu ka kooban yahay taliska guud ee ciidanka dab-demiska iyo qaybihiisa kala duwan.

Taliyaha ciidanka Dab-demiska Sarreeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, ayaa warbixin dheer ka siiyay madaxweyne ku xigeenka marxaladihii uu soo maray ciidanka dab-demisku isagoo ciidanku jiray buu yidhi muddo kooban haddana uu ku guuleystay inuu damiyo ama uu u gurmado dhiilo kasta oo soo yeedha.

Waxaanu intaas ku daray in ciidanka dab-demis hadh iyo habeen ba uu heegan u yahay u shaqaynta iyo badbadinta nafta iyo maalka muwadiniinta Somaliland, isagoo madaxweyne ku xigeenka halkaas uga akhriyay dhacdooyinkii dhacay lix-dii bilood ee hore ee sannadkan 2021-ka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa tilmaamay in horumar xawli ah uu ku socod ciidanka dabdemisku iyadoo ay kooban tahay muddada uu jiray, waxaanu ka marag kacay in ciidanka dab-demisku haysto dhalinyar u carbisan xirfadda ciidanka dab-demiska isla markaana heegan ah afar iyo labaatanka saacadoodba.

Waxaana uu madaxweyne ku xigeenku sheegay inuu hiil iyo hooba qaranku la garab taaganyahay ciidanka dab-demiska, isagoo ku booriyay inay dedaalka ay qarankooda ugu shaqaynayaan ay bartaas kasii wadaan.

Loading...
Loading...