Muwaadin Shan Bilood U Xidhnaa Sirdoonka Somaliland Oo Dib U Helay Xorriyadiisii
Muwaadin Shan Bilood U Xidhnaa Sirdoonka Somaliland Oo Dib U Helay Xorriyadiisii
Hargeisa(HWN):-Muwaadin Aadan Xuseen Xaashi oo Hargeysa lagu xidhay 8/3/2021 ayaa maanta xorriyadiisii dib u helay.
Aadan Xaashi ayaa lagu eedeeyay inuu fashiliyay Guri Sirdoonka Somaliland ku leeyihiin Koonfurta Hargeysa. Garyaqaan Jamaal Maandeela oo ah Qareenka u doodaayay ayaa sheegay in wax dambi ah lagu waayay Xaashi. Maxkamadda Milatariga Somaliland ayaa maanta xorriyaddiisa dib ugu celisay Muwaadinkan muddo 4 bilood ah xidhnaa
"Waxaan halkan uga mahad-celinayaa guud ahaan ummadda reer Somaliland iyo cidkasta oo ka qayb-qaadatay arrintayda. Waxa kale oo aan u mahad-naqayaa ehelkayga oo ay ugu horrayso Xaaskayga Farduus Xariir iyo cidkastoo arrintaas gacan ka gaysatay oo ay ka mid yihiin Hablahan garabkayga taagan oo ay ugu horrayso Faadumo guud-cadde, Raxma Maydal iyo Aabahay oo shantaa billood aan maalin iga dul dhaqaaqin oo runtii ay dhibaato wayni ka soo gaadhay.
Waxa kale oo mahad-naqaa qayb wayn ku leh dhalinyaraddan uu ka mid yahay Siciid Maxamuud Gahayr, Mubaarak iyo Garyaqaan Mandeela oo ahaa Looyarkaygii, waxaan leeyahay dhammaantood Illaahay miisaanka xasannaadka ha idinku daro, waa waxa la isku qabto ee ugu yar, waayo waa waxa loo wada dhashay ama Islaam loo wada yahay, markaa waad Mahadsan tihiin dhammaantiin." Ayuu yidhi Muwaadin Aadan Xaashi.
Loading...
Loading...