Xoghayaha Daakhiliga Ee UCID Oo Xukuumadda Biixi Ku Eeddeeyay Inay La Meeraalaysanayso Fadhigii Wakiillada

0
Sunday July 25, 2021 - 14:47:52 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1064
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Daakhiliga Ee UCID Oo Xukuumadda Biixi Ku Eeddeeyay Inay La Meeraalaysanayso Fadhigii Wakiillada

    Xoghayaha Daakhiliga Ee UCID Oo Xukuumadda Biixi Ku Eeddeeyay Inay La Meeraalaysanayso Fadhigii Wakiillada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Daakhiliga Ee UCID Oo Xukuumadda Biixi Ku Eeddeeyay Inay La Meeraalaysanayso Fadhigii Wakiillada


Hargeisa(HWN):-Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga UCID Eng. Baashe Cabdi Gaboobe ayaa sheegay in maamul-xumidda iyo Qorshe la'aanta Xukuumadda Muuse Biixi ay keentay Shaqo la'aanta baahsan ee haysata dhalinyaradda reer Somaliland.
Baashe Cabdi Gaboobe - Home | Facebook


Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Baashe Cabdi Gaboobe waxa uu Xukuumadda Muuse Biixi ku eedeeyay inay la meeraysanayso fadhigii golaha Wakiillada, iyaddoo ujeedkeeduna yahay inay 52-ka Xildhibaan ee mucaaridka ah kala jebiso.

"Innago ogg maamul xumada wadanka ragaadisey ee xukuumadda Kulmiye oo sababtey dhaqaale darro’ iyo shaqa la’aanta dhalinyaradeena heysata oo sannad walba tobanaan kun ay jaamacadaha ka qalin jabiyaan, maalinti dhaweyd na 32 kun oo ardey ay u fadhiisteen imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka sideedaad iyo form four ( Dhameystirka secondariga ); kuwaaso iyaguna dhawaan ku soo biiri doona malaa’inka shacab ee bila shaqada ah ( Unemployment rate is almost above 80% in Somalilnd ), aya nasiib darro laga jooga SHAN iyo KONTON CASHO doorashada isku sidkan ee golaha Wakiillada iyo Deegaanka ee ka qabsoontey Somaliland 31 May, 2021. Maah maah ingiriisa tidha ‘’ Time is money ‘’ oo macnaheedu yahey ‘’ Waqtigu waa lacag ‘’; Carabtuna waxey tidhaa ‘’ الوقت كالسيف إذا لم تقطعه يقطعك ‘’ Guddiga doorashada qaranka Somaliland waxey natijadda hor dhaca ah ku dhawaaqeen 6 June, 2021. Maxkamadda Sare iyadaon wax ba ka bedelin natiijada hor dhacda ee guddiga doorashadu soo gudbiyeen waxey ku qaadatey muddo bil ah ( 6 June – 7 July, 2021 ) si ay u ansixiso. Maaddaama natiijadaa hordhacda ah ( 6 June, 2120 ) ay noqtey ta rasmiga ah, laga bilaabo maalintaa, xukuumadda Kulmiye waxay geed gaaban iyo geed dheer u fuushey muddo laga joogo KONTON CASHO sidi ay uga heli la heyd ugu yaraan 12 Xildhibaan isbaheysiga mucaaridka UCID iyo WADDANI oo leh 52 Xildhibaan si ay u hesho absotule majority; dabadeedna Shirguddoonka golaha Wakiillada u hanato. Haddaba bal ila eega wuxu dhigaayo xeerki doorashada 2021 ee madaxweyne Muse saxeexey.

Qodobka 136 aad :
Dhaarinta xildhibaanada la doortey ee golaha wakiilada.
1- Ka dib ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah, Maxkamadda Sare aya cayimaysa taariikhda dhaarinta muddo aan ka badnayn todobada casho gudahood oo ka bilaabmanta maalinta natiijada rasmiga ah lagu dhawaaqay. Waxaana lagu dhaarinaya xubnaha golaha wakiilada ee la doortey xarunta golaha waxiilada si waafaqsan Qodobka 129 ee dastuurka qaranka.
2-Kulanka dhaarta waxa furaya, hoggaaminayana Guddoomiyaha Maxkamadda Sare sida ku cad qodobka 44 ( 3 ) ee dastuurka.
Bal ka dastuurkana eega :
Qodobk 44 aad ee dastuurka Somaliland :
Isugu yeedhida golaha cusub
1-Golaha cusub wuxu qabanayaa fadhigisa ugu horreeya 30 casho gudahood oo ka bilaabmaysa maalinta lagu dhawaaqo go’aamada doorashada; ( Halkaa ma cadda, ma maalinta ( 6 June, 2021 ) guddiga doorashada ku dhawaaqda ee natiijada hordhacda mise wa maalinta maxkamadda sare ansixisa, 7 July, 2021 ?? ) Waxaana isugu yeedhaya madaxweynaha.
2-Haddi Madaxweynuhu isugu yeedhi waayo, golaha ayaa u kulmaya iskii maalinta 45 aad laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqo go’aamada doorashada
3-Golaha cusub waxa furaya guddoomiyah Maxkamadda Sare oo dhaarinaya xubnaha. Markaa waxa guddoominaya shirka xubinta ugu da’da weyn; waxaana goluhu iska dhex dooranaya guddoomiyaha iyo laba guddoomiye ku xigeen."

Loading...
Loading...