Wasiirka Daakhiliga Oo Ka Hadlay Tababar Loo Furraayo Goleyaasha Deegaannada Ee Dalka

0
Sunday July 25, 2021 - 14:31:59 in News by A. Asbaro
  • Visits: 852
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Daakhiliga Oo Ka Hadlay Tababar Loo Furraayo Goleyaasha Deegaannada Ee Dalka

    Wasiirka Daakhiliga Somaliland Oo Ka Hadlay Tababar Loo Furraayo Goleyaasha Deegaannada Ee Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Daakhiliga Somaliland Oo Ka Hadlay Tababar Loo Furraayo Goleyaasha Deegaannada Ee Dalka


Hargeisa(HWN):-Wasiirro iyo Xubno kale oo Xukuumadda ka tirsan ayaa kulan ku yeeshay Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.



Kulankan oo lagaga hadlaayay siddii tababar loo siin lahaa goleyaasha deegaannada dalka, waxaanna tababarkaas furraaya Maxadka dawladdaha hoose oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.

kulankan oo markii uu soo dhammaaday ayaa waxa Warbaahinta la hadlay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed kaahin Ahmed.
Taariikhdii Somaliland Ee Illaa Daraawiish Hala Soo Bandhigo..” Wasiir Maxamed Kaahin Axmed. – Saylac Media

"Waxaynu halkan isugu nimid sida aynu la soconno bishii May 31-keeddii, doorashaddii dalka ka dhacday ee goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada, markaa waxaannu doonaynaa in tababar la siiyo Goleyaashii deegaannada ee soo baxay, kuwaasoo lagu tababarraayo hawlahoodda shaqo, markaa si taas loo fulliyo waxa lagama maarmaan noqotay in wasaaraddaha qaybta ku leh, kanna mid ah Barnaamijka la yidhaahdo GPLJ iyo barnaamijka maamul daadejinta.

dalku wuxuu ka kooban yahay 23 Degmo doorasho, markaa Saddex degmo may suurto-gelin in Xildhibaano goleyaal deegaan ka soo baxaaan, laakiin 20 Degmo ee kale way ka soo baxeen, markaa afar meelood baa la isugu gaynayaa, markaa qolkastaaba barnaamijkoodda ayay soo diyaarsannayaan." Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin Ahmed

Loading...
Loading...