Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Sababta Muuse Biixi Uga Meeraysanayo In Uu Iskugu Yeedho Golaha Wakiilada
Hargaysa (HWN) Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga Ucid Eng. Bashe Cabdi Gaboobe ayaa ka hadlay sababta uu Muuse Biixi iskugu yeedhi laayahay xildhibaanada Golaha Cusub ee Wakiilada Somaliland ee dhawaan la doortay.
Waxa uu sidoo kale Xoghaye Baashe ka hadlay shaqo la’aantahaysata dhalinyarada Somaliland.
Xoghaye Baashe ayaa arinkan
kaga hadlay qoraal uu ku baahiyay bogga
Facebook, waxaanu udhignaa sidan:-
Innago ogg maamul
xumada wadanka ragaadisey ee xukuumadda Kulmiye oo sababtey dhaqaale darro’
iyo shaqa la’aanta dhalinyaradeena
heysata oo sannad walba tobanaan kun ay jaamacadaha ka qalin jabiyaan, maalinti
dhaweyd na 32 kun oo ardey ay u
fadhiisteen imtixaanka shahaadiga ah ee
fasalka sideedaad iyo form four ( Dhameystirka secondariga ); kuwaaso iyaguna
dhawaan ku soo biiri doona malaa’inka shacab ee bila shaqada ah ( Unemployment
rate is almost above 80% in Somalilnd ), aya nasiib darro laga jooga SHAN iyo
KONTON CASHO doorashada isku sidkan ee golaha wakiilada iyo degaanka ee ka qabsontey Somaliland 31 May, 2021. Maah maah
ingiriisa tidha ‘’ Time is money ‘’ oo macnaheedu yahey ‘’ Waqtigu wa lacag ‘’;
Carabtuna waxey tidha ‘’ الوقت كالسيفإذالمتقطعهيقطعك‘’ Guddiga doorashada qaranka Somaliland waxey natijadda hor dhaca ah ku
dhawaaqeen 6 June, 2021. Maxkamadda Sare iyadon wax ba ka bedelin natiijada hor
dhacda ee guddiga doorashadu soo gudbiyeen waxey ku qaadatey muddo bil ah ( 6
June – 7 July, 2021 ) si ay u ansixiso.
Madaama natiijadaa
hordhacda ah ( 6 June, 2120 ) ay noqtey ta rasmiga ah, laga bilaabo maalintaa,
xukuumadda Kulmiye waxay geed gaaban iyo geed dheer u fuushey muddo laga joogo
KONTON CASHO sidi ay uga heli la heyd ugu yaraan 12 xildhibaan isbaheysiga
mucaaridka Ucid iyo Waddani oo leh 52 xildhibaan si ay u hesho absotule
majority; dabadeedna shir guddoonka golaha wakiilada hanato. Haddaba bal ila
eega wuxu dhigaayo xeerki doorashada 2021 ee madaxweyne Muse saxeexey.
Qodobka 136 aad :
Dhaarinta xildhibaanada la doortey ee golaha wakiilada.
1- Ka dib ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah, Maxkamadda Sare aya cayimaysa taariikhda dhaarinta muddo aan ka badnayn todobada casho gudahood oo ka bilaabmanta maalinta natiijada rasmiga ah lagu dhawaaqay. Waxaana lagu dhaarinaya xubnaha golaha wakiilada ee la doortey xarunta golaha waxkiilada si waafaqsan Qodobka 129 ee dastuurka qaranka.
2-Kulanka dhaarta
waxa furaya, hoggaaminayana Guddoomiyaha Maxkamadda Sare sida ku cad qodobka 44
( 3 ) ee dastuurka.
Bal ka dastuurkana eega :
Qodobk 44 aad ee dastuurka Somaliland :
Isugu yeedhida golaha cusub
1-Golaha cusub wuxu qabanayaa fadhigisa ugu horreeya 30 casho gudahood oo ka bilaabmaysa maalinta lagu dhawaaqo go’aamada doorashada; ( Halkaa ma cadda, ma maalinta ( 6 June, 2021 ) guddiga doorashada ku dhawaaqda ee natiijada hordhacda mise wa maalinta maxkamadda sare ansixisa, 7 July, 2021 ?? ) Waxaana isugu yeedhaya madaxweynaha.
2-Haddi Madaxweynuhu isugu yeedhi waayo, golaha ayaa u kulmaya iskii maalinta 45 aad laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqo go’aamada doorashada
3-Golaha cusub waxa furaya guddoomiyah Maxkamadda Sare oodhaarinaya xubnaha. Markaa waxa guddoominaya shirka xubinta ugu da’da weyn; waxaana goluhu iska dhex dooranaya guddoomiyaha iyo laba guddoomiye ku xigeen.
Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga Ucid
Eng. Bashe C Gaboobe