Habkiiyaad Dejiseene, Halyeygii Udub Yeelayeenu, Hadalba Aanu Kakeenin, Ayuunba Ku Horyaale, Ha Habsaamin Golaa.

0
Sunday July 25, 2021 - 09:26:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Habkiiyaad Dejiseene, Halyeygii Udub Yeelayeenu, Hadalba Aanu Kakeenin, Ayuunba Ku Horyaale, Ha Habsaamin Golaa.

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM{A.S.C.W.R.W.B],


TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.


1-HIRDANKEENA GUDOONKU,HEERKU MAANTA MARAYO,



HOOSBAYNO CELISEEN,HAYBADII DOORASHADEENEE,


HORE LOOGU RIYAAQIYO,HANAANKI DIMUQRAADIYE,


HIGSANAAYAY DADKEENU,IYAGOON HAYNIN JIDKEED.


2-HOORIMAADKA HILAACIYO,HIR CALEENIYO DOOG LEH,


HORAA LOOGU SOCDAAYE,HAYAAN GOORTAN IDHAA,


HEERYADA AWRKA DULSAARO,MAXAA II HAGRATAAN,


HAYINKAYGA FADHIIS’SHA,KULMIYOW HAGARDAAMO.


3-HOGAANKIINII LA TIJAABIYO,DALKII WAA LA HADHEENE,


HABKIIYAAD DEJISEENE,HALYEYGII UDUB YEELAYEENU,


GOLAYAASHII HABSAAMIN,HAWRARSANTI U KU QAATAY,


HAW HOREEYO GUDOONKU,HAWLYARAAN KU WAREEJA.


4-WAA HAYSAN MUDO FIICANE,MEESHA MAYDIN HAGAAJIN,


HIRDAN WEEYE ADUUNKU,HAREERAHEENAN BAL EEGGA,


HOLACA NAARTA HURAYSA,HALISTII GOBOLKEENAN,


HAKUU GAADHAY HADEERTO,INAGO ISKU HABSAANSAN.


ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...