Nin Hore Ugu Jeesjeesay Tallaalka Covid 19 Oo Isla Xanuunkii U Dhintay
Nin reer Kaliforniya ah oo ku jeesjeesay talaalka Covid-19 ee baraha bulshada ayaa dhintay kadib dagaal socday muddo bil ah oo uu kula jiray viruska.
Stephen Harmon, oo xubin ka ahaa Hillsong megachurch, waxa uu si weyn uga soo horjeeday tallaalada, isagoo taxanayaal kaftan ah ka sameeyay inaanad qaadan tallaalka.
"Waxaan helay 99 dhibaato laakiin tallaalku kama mid aha," 34 jirkaan ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray 7,000 taageerayaashiisa ah.
Waxaa laga daaweeynayay oof wareenka iyo Covid-19 isbitaal ka baxsan Los Angeles, halkaas oo uu ku dhintay Arbacadii.
Maalmihii geeridiisa ka hor, Mr Harmon wuxuu diiwaangeliyey halgankiisii uu ugu jiray inuu sii noolaado, isagoo soo dhigay sawiradiisa isagoo sariirtiisa jiifa isbitaalka.
"Fadlan ii duceeya, runtii waxay rabaan inay i dhex galaan oo ay igu qasbaan in aan isticmaalo neef caawiye" ayuu yidhi.
Qoraalkiisii ugu dambeeyay ee uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Arbacadii, ayuu Mr Harmon ku sheegay inuu go'aansaday inuu galo loo soo duceeyo."Ma ogi goorta aan toosi doono, fadlan soo ducee," ayuu qoray.
In kasta oo uu la halgamay fayraska, Mr Harmon weli wuxuu sheegay inuu diidi doono in la tallaalo, isagoo sheegay in aaminaaddiisa diineed ay difaaci doonto.
Geeridiisa ka hor, wuxuu ku kaftamay aafada iyo talaalada, isagoo samaynaya sawirro qosol leh kuna sheegaya inuu kaga kalsoon yahay Kitaabka Quduuska ah khabiirka ugu sareeya Mareykanka ee Dr Anthony Fauci.
Aasaasihii Hillsong Brian Houston ayaa ku xaqiijiyay warka geeridiisa qoraal uu soo dhigay khamiistii."Ben hadda wuxuu noo soo gaarsiiyey warka xun ee ah in saaxiibkeen aan jecel nahay, Stephen Harmon uu ka dhintey Covid. Qalbi jab," ayuu yiri Mr Houston.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka ayuu ku ammaanay Mr Harmon."Wuxuu ka mid ahaa dadka ugu deeqsinimada badan ee aan aqaano wax badan ay hortiisa oolli jirey" ayuu ku soo qoray Instagram.
"Had iyo jeer wuxuu istaagi jirey ciyaartooydeena kubada cagta, waxaana tabi doona dad badan. RIP."
Wuxuu intaa ku daray in kaniisaddu ay ku dhiirigalinayso xubnaheeda "inay raacaan tilmaamaha dhakhaatiirtooda".
Kalifoorniya waxaa ku soo kordhay kiisaska Covid-19 toddobaadyadii la soo dhaafay, iyada oo inta badan kuwa loo qaaday isbitaal aan la tallaalin.
BBC