Maxaa Ka Jira In La Bilaabay Qorista Shaqaalaha Madaarka Berbera?

0
Sunday July 25, 2021 - 09:14:00 in News by
  • Visits: 1549
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira In La Bilaabay Qorista Shaqaalaha Madaarka Berbera?

    Maxaa Ka Jira In La Bilaabay Qorista Shaqaalaha Madaarka Berbera?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Ka Jira In La Bilaabay Qorista Shaqaalaha Madaarka Berbera?


Guddoomiyaha gobolka Saaxil Dr Axmed Maxamed Xaashi, ayaa beeniyay warar sheegaaya in la bilaabay qorista shaqaalihii cusbaa ee garoonka diyaaradaha ee magaaladda Berbera.

Guddoomiyaha oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in aanay jirin wax dhaq dhaqaaq ah oo ku saabsan shaqaalihi cusbaa ee loo qaadanayay madaarka caalamiga ah ee Berbera.

Waxaanu guddoomiyuhu sheegay in warar ku tiri ku teen ah ay faafiyeen qaar ka mid ah shabakadaha Internetku, waxaana tilmaamay in aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda isla markaana weli la sugayo shaqaalaha cusub ee loo qaadanayo gegida diyaaradaha.

Geesta kale, waxa uu sheegay guddoomiyuhu in aanay jirin wax iska baddalay go’aankii ahaa in la soo xayaysiiyo shaqaalaha cusub ee madaarka Berbera.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil, ayaa waxaa uu dhalinyarada ugu baaqay inay sugaan inta la soo xayaysiinayo shaqada cusub ee madaarka.

Guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray in shabakadaha internetku ay ka taxaddaraan waxay qorayaan isagoo xusay in sharciga la horkeeni doono dadka fidinaya wararka ku tiri ku teenka ah ee bulshada qaska gelinaya.

Dib U Milicsi Dariiqii Uu Soo Maray Heshiiskii Madaarka Berbera – Sagal News

Loading...
Loading...