Xukuumadda Xilgaarsiinta Oo Digniin Kasoo Saartay Lacagaha La Dhaqo

0
Sunday July 25, 2021 - 08:18:14 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 919
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Xilgaarsiinta Oo Digniin Kasoo Saartay Lacagaha La Dhaqo

    Cid walba oo lacag isticmaasha ama keedisa ama dadka u kala gudbisa waxaa waajib ku ah lacagta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cid walba oo lacag isticmaasha ama keedisa ama dadka u kala gudbisa waxaa waajib ku ah lacagta




Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa ka digay Qatar ka dhalan karta lacagaha la dhaqo, isagoona sheegay in ay danbi tahay arrintaas cidii lagu qabtaana laga qaadi doonno talaabo sharci ah.



 

Wasiirka cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta Dowladda ugu digay shacabka Soomaalieed cawaaqibta ka dhalan karta lacagaha la dhaqo ee dalka la soo galiyo.


 

" Cid walba oo lacag isticmaasha ama keedisa ama dadka u kala gudbisa waxaa waajib ku ah lacagta ay guddbineyso meeshii ay ka timid in la yaqaano, meeshii ay u socotana la yaqaano wixii intaa ka baxsana qofkii lagu helo wuxuu muteysanayaa ciqaab ” ayuu yiri Wasiirka cadaaladda Soomaaliya.

Loading...
Loading...