Xildhibaan Faratoon Waxaa Uu Ka Mid Yahay Ehlu Badarka Somaliland...W/Q Guuleed Yuusuf Iidaan

0
Sunday July 25, 2021 - 00:10:52 in Articles by
  • Visits: 1873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Faratoon Waxaa Uu Ka Mid Yahay Ehlu Badarka Somaliland...W/Q Guuleed Yuusuf Iidaan

    Xildhibaan Faratoon Waxaa Uu Ka Mid Yahay Ehlu Badarka Somaliland...W/Q Guuleed Yuusuf Iidaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Faratoon Waxaa Uu Ka Mid Yahay Ehlu Badarka Somaliland...W/Q Guuleed Yuusuf Iidaan


Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ma aha qof ku cusub saaxadda siyaasadda, wuxuu xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumaddihii Somaliland soo maray oo dhan, waana uu la kowsaday yagleelkii koowaad ee Xukuumaddii ugu horeysay ee uu dhisay Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur),Xukuumaddii Maxamed Ibraahin Cigaal, xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin, xukuumaddii Axmed Siilaanyo Iyo Xukuumaddan ugu danbeysay ee Muuse Biixi Cabdi.


Inta badan, labeenta ummada iyo dadka la socda siyaasadda Somaliland, waxaa ay isku raaceen oo aanay ku kala baydhin in masuulkani yahay hoggaamiye Goluhu u baahan yahay khibrad ahaan oo ku habboon inuu xillka Guddoomiyaha Wakiillada qabto. maadaama aannu ku cusbayn saaxadda siyaasadda, isla markaana ka mid yahay dadkii hormuudka u ahaa dhismaha qaranka Somaliland ee curdinka ah, waqti iyo juhdi badana geliyay, isagoo sidoo kale door weyn ka soo qaatay diyaarintii Dastuurka Somaliland ku dhaqanto waqtigan.

Md. Faratoon wuxuu noqday Guddoomiyihii u horreeyey ee Gobolka Sool sannadkii 1991-kii. Sidoo kale, dawladdii Maxamed Ibraahin Cigaal ee lagu soo dhisay magaalada Boorama 1993-kii, waxa uu ka noqday Wasiirkii Caafimaadka, balse markaa ka dib xilligii ururrada siyaasadda wuxuu safka hore kaga jiray Ururkii ASAD ee uu hoggaaminayay Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadda ah Guddoomiyaha Golaha Guurtida, kaasoo waqtigaas hoggaaminayey mucaaradkii ugu awoodda badnaa, laakiin markii ururkiisii ku guul-darraystay inuu u soo baxo heer xisbinimo doorashooyinkii Golayaasha Degaanka ee sannadkii 2002, waxa Yaasiin Faratoon ka mid ahaa garabkii ku biiray xisbigii UDUB.

Markii ay qabsoontay doorashadii Madaxtooyada Somaliland sannadkii 2003-kii, Madaxweyne Rayaale ayaa siyaasiga Yaasiin Faratoon u magacaabay Wasiirul-dawlaha Dib-u-dejinta, hase ahaatee muddo kadib wuxuu dalka uga baxay dhinaca qurbaha, isagoo iska casilay xilkaas, wuxuuna dib u soo laabtay dhawaan.

Dadka aqoonta u leh Md. Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), waxay ku tilmaamaan inuu yahay qof aqoon iyo waayo- aragnimo u leh arrimaha maamulka, isla markaana arrimaha dhaqanka wax badan ka yaqaan, isagoo xilligii dawladdii Soomaaliya noqday macallin meelo badan ka soo shaqeeeyay. Sidaa awgeed, uu ku kasbaday wax badan, waqtiganan ku habboonaa in loo magacaabo xilka culus ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Sidaa Daraadeed Cida Ku Haboon Shirgudoonka G.Wakiilada Somaliland Waa Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Waxaan usoo jeedinlahaa dhamaan golaha Wakiilada ee Cusub in ay u doortaan Shirgudoonka G.Wakiilada Somaliland Waa Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Youand1 other
3 Comments


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...