Jaamac Karaaciin Muxuu Ka Yidhi Eedaymaha Loo Jeedinayo Cawaysyada Hudheelkiisa Isha Burco?

0
Saturday July 24, 2021 - 11:22:56 in News by
  • Visits: 2502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamac Karaaciin Muxuu Ka Yidhi Eedaymaha Loo Jeedinayo Cawaysyada Hudheelkiisa Isha Burco?

    Jaamac Karaaciin Muxuu Ka Yidhi Eedaymaha Loo Jeedinayo Cawaysyada Hudheelkiisa Isha Burco?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaamac Karaaciin Muxuu Ka Yidhi Eedaymaha Loo Jeedinayo Cawaysyada Hudheelkiisa Isha Burco?

Hargeysa(HWN):-Mulkiilaha Hudheelka Isha Burco Jaamac Maxamed Aadan Karaaciin ayaa ka dareen celiyey  qaabka ay culimadu uga hadashay cawaysyada hudheelkiisa lagu qabta.




Jaamac Karaaciin ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi "Waxaan Arkayay Wadaaddo Ka Fal-celinaya Caweysyada Isha Burco Ka Dhaca, Waxay Il-duufeen Baahida taala Gobolkeena Waxay Dano gaara Iyo Aragtidoona Kaga Hadlaan Baydka Ilaahay Oo Ay Ganacsigooda Ku ilaashadaan.

Waxaan ku dhiiraday In Burco Hesho Horumar La Tartamaya magaalooyinka Kale, Waxaan Ka hirgeliyay Goboladda Bariga Iskuulo Hotelo Iyo Goobo Sports Oo Horumarka La talaabsanaya,

Waxaad aragtaan Hooyooyin Ooyaya Oo Duruufaha Nolosha La Ildaran Iyo Hablo Kufsi Iyo Dil laysugu Darayo Maalina Wadaadda Burco Kama Hadlaan.
Anigu Waxaan qabaa Wuxuu Sharciga Dalka U yaalaa Qabo, Bandhigyada, Caweysyadda Iyo Kulamadda Dadweynuhuba Way ka dhacayaan Isha Burco,
Isha Burco diin laguma Haysto, Xumaana Laguma sameeyo Ee Waa Dano ganacsi Iyo Dagaal dhaqaale Oo Khamiis Loosoo xidhay,

Waxa Jira In isha Burco Tahay Rug kulmisa dhalinyaradda Burco Aqoon yahankeeda Iyo Qurbajoogeedaba Taas Oo Baahi badan kaafisay.
Burco waxay noqon doontaa Meel wadaadadu Lafaha Ku cunaan Ama Magaalo La laafyoota dhigeed.

Ugu danbayntii Waxaan Farayaa Cid kasta Oo Burco rajo ka qabta Inay Horumarkeeda ka qayb qaataan Dhalinyaradana Garab Istaagaan”
Wa Bilaahi Towfiiq.

Loading...
Loading...