Faallo Kooban: Heesta Jacayl Da'weyn

0
Saturday July 24, 2021 - 10:48:32 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo Kooban: Heesta Jacayl Da'weyn

    Haddii aynu intaa fahan guud kaga nimaadno, noolaha uu jacaylku raadeeyay noloshooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii aynu intaa fahan guud kaga nimaadno, noolaha uu jacaylku raadeeyay noloshooda


No description available.


Suugaantu waa farshaxan iyo fan qurux badan oo nolosheenna bisha. Waa qaybta u ballaadhan ee Afka u shilis, looguna jecelyahay. Dhanka kale waa qalabka u weyn ee taariikhda, xaddaaradaha, aragtiyaha iyo aqoonaha bulshooyinka lagu kaydiyo lagana tixraaco. Sidaas awgeed baa looga bartaa casharro iyo duruus waayo'aragnimo leh oo noloshan qaabaynteeda door weyn ku leh.

Jacaylku waa dareen xoog badan oo saamayn lama illaabaan ah ku leh nolosha aadanaha. Waa dareen aan keliya saamayn ku lahayn midda aadana ee uumiyaha oo dhan buu ku lug leeyahay. Inta caqliga iyo garashada Alle ugu deeqay buu se ugu daranyahay oo noloshooda raadayn togan iyo mid tabanba ku yeeshay. Waana sababta u weyn ee aan looga hadaldhigin isbedbeddelada kala fog iyo nololaha kala carceeray ee qoomamkii kala danbeeyay. Sidaas baanu u sii jirayaa weligii iyo waqii inta adduunka uu dulsaaran yahay qof nuuxsanaya oo neefi ku jirtaa.

Haddii aynu intaa fahan guud kaga nimaadno, noolaha uu jacaylku raadeeyay noloshooda wuu ku kala duwan yahay dhanka saamaynta iyo la derisiddaba. Dadka ayuu u farosaar badan yahay, sida laga markhaati kici karana ragga iyo dumarka ayuu ku kala culusyahay kuna kala xanuun iyo xiisad duwan yahay. Sida aynu xusi karno, intii dad u naf weyday ama haliso lama qiyaasaan ah u martay waxaa horseed u ah ragga; waana sababta ay suugaanta uga eed sheegtaan dhacdooyinkii uu mariyey iyo siduu u dhalanrogay. Damaca ay heestani siddaana waa fahan hormuud u ah tabaalaha uu ragga gaadhsiiyo jacaylku iyo sida ay turunturooyinkiisa ula noolyihiin.

Heestan la yidhaa, "Jacayl da'weyn" waxaa allifay abwaankeenna weyn (Ilaahay baa weyn e) macallin Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), waxaana ay ku jirtay riwaayaddii la odhan jiray "Hadimo". Codkiisii miidda lahaa iyo awooddiisii faneed ee la yaabka ahaa waxaa inagu soo gaadhsiiyey, AHU Maxamed Warsame Qaasaali. Macnaha ay ka turjumaysaana waa nin weyn oo jacayl u qaaday gabadh dhallinyaro ah, taasoo wakhtigeedii iyo hawadeedii ku jirta. Wuxu ka warramayaa sida uu dareenka iyo damaca ugu hayo weyn ilaa yaraanteedii ilaa iminka oo ay hanaqaad noqotay. Dhan buu se iska tusayaa in aanay macquul ahayn inay jacaylkiisa aqbali doonto, sababtana wuxu ku sheegayaa in dumarku ay doorbidaan ninkii wax haysta; isagana uu damacu uun dul dhigay. Inta badan se wuxu sheegayaa xaaladda guud iyo saamaynta uu ku reebay jacaylkan oo da' ahaan weyni. Waa midda igu kalliftay inaan dhexgalo heestan faalladanna aan ka qoro.

Waxaa jira hab-dhaqan guud oo ay dumarka ka simanyihiin, kaasoo aan filayo inuu abuurtooda ku tolan yahay. Dhaqankaasi waa jeclaanta adduunka, dhaldhalaalka iyo nolosha iftiinka leh; damacaas oo ay jecel yihiin inay ku doortaan nolosha ay la gelayaan lammaankooda nolosha (Ragga) sida abwaankuba uu xusayo. Ilaa duuggii nolosha dumarka waa lagu eedeeyaa inay ninka wax haysta ka doorbidaan midka aan waxba haysan. Suugaan badan, sheekooyin iyo xikaayado ka markhaati kacaya adduun jeclaanta dumarka iyo doorbidista ninka ladan ayaa jirta; taas oo jacaylka iyo qofka aan waxba haysan hadimo ku noqota. Sida la wariyo, waxaa nolosha soo maray rag badan oo damacaas ladnida ku dhisan ee dumarka u naf waayey taariikhdana sidaa ku galay. Weli se lama hubo, mana jiraan daraasado cilmi ah oo laga sameeyay xaqiiqada ay salka ku leeday adduun jacaylka dumarku iyo waxa ka simay dumarka adduunka ku uuman oo dhan, kuwo hore iyo kuwo danbeba. Xataa ma jiraan dumar dood iyo burin ku sameeyay fikirkaasi. Taas baa sababtay in lagu eedeeyo iyo inay fikirkaas ku adkaystaan baan jeclahay.

Haddaba, maxaa sababi kara in dumarka eed looga dhigo fikirkan adduun jacaylka? Miyaanay jiri karin in dookh iyo doorasho ay ku raaci karaan qofka ay iyagu doorbidaan? Miyaanay dhici karin in gaabis shakhsi ah iyo kasbasho la'aan dhinaca ninka ka ahi ay keento inay ka leexato qofta dumarka ahi? Miyaan sababo kale la heli karin oo ka ballaadhan eedda hal fikir oo miskiin-cuskad noqday?

Sida sunnaha u ah nolosha, adduunku maaha wax waarid iyo jiritaan leh. Inkasta oo la heli karo dad tiro badan (Rag iyo dumarba) oo aaminsan inay adduunka iska dabaridaan indhona u yeelan waayaan dadyowga ka duruufaha duwan. Haddana waxaa run ah inay jiraan dadyow kale oo tiro badan (Rag iyo dumarba) oo aaminsan fikirka ku lidka ah kaas hore. Sidaas baan loogu go'aan qaadan karin inay dhinac dadka ahi (Dumarka) aanay lahayn eedda ah jeclaanta duunyada, iwm.

Gebagebadii, noloshu waa mid sal ballaadhan oo ka mug weyn inta ku nool kana da'weyn. Duruufaheeda, daldaloolladeeda iyo quruxdeeda ama qaybteedu maaha wax qofna uu sed gaar ah u yeelan karo, sidaa darteed maaha in qofna uu isa siiyo ama aamino inuu ku waarayo wixii nasiib u noqda. Waa se in maanka lagu hayo inay isbedbeddesho oo ay maalinba meel taagantay, qofkuna aanu karti iyo fariidnimo gaar ah ku kasban karin. Rag iyo dumarba waxaa ku waajib ah inay isku qiimeeyaan wixii dareen ah ee dhex mara oo ay iska qanciyaan.

Heestii waa tan iyada oo qoraal ah ee ila dheehda, ilana dhuuxa:

Waan u dibjiroo

Da'deed uga hadhoo

Dumar uga go'ee

Ay i dala'satee

Meel doog lehoo

Aan dadi jaray

ay damaqdayoo

Dilalyoonayaa

Damac baa i qaadoo

Nin duunyo haystay

U daacad yiinoo

Ay door bidaan

(Jacayl da'weyn baa

I dul keenay Mayaygee

Ma i dilay kalgacal.) Dhextaal

Waan daba galoo

Laygu dul furoo

Ay is dadabtayoo

Dayma'ayaa

Markay daadah iyo

Dibad baratayee

Dab ka baydhay baa

Laygu xidhay duntee

Ma dayn karaayoo

Waan doonayaaye

Dan bay runsheegtee

Maw daalanahay.

(Jacayl da'weyn baa

I dul keenay Mayaygee

Ma i dilay kalgacal.) Dhextaal

Waan doortayoo

U dulloobayoon

Diihaal qabaa

Dawo kama helee

Dadka lama socdee

Sida deeradiyo

Aar dawriyaan

Dibadaha maraa

Dayax shaniyo tobaniyo

Sida dirirka cawleed

Rabbi maygu daabacay

Mana diiday samihii

(Jacayl da'weyn baa

I dul keenay Mayaygee

Ma i dilay kalgacal.) Dhextaal

Waxaa jira suugaan badan oo dumarka eeddaas uu hal-abuurku saarayo, taasoo ku jirta heeso caan ah ama maansooyin kale, maxaad ka xusi kartaa ama ka xusuusan kartaa?



Qalin-Dhuux Cabdicasiis Daacad

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...