Waxaan donaya inan barto Computer science ee maxad igula talin lahayd ?

0
Saturday July 24, 2021 - 10:43:46 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaan donaya inan barto Computer science ee maxad igula talin lahayd ?

    Su'aashan jawaab maya ama haa ah malaha alyacni jawaabteedu way dheertahay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Su'aashan jawaab maya ama haa ah malaha alyacni jawaabteedu way dheertahay,



Qormadan aaad ayeey u dheer tahay hadii Aad dooneysid ama xiiseyso Barashada Cilmiga tiknoolajiyada dunida horumariyay ee Computer science Si wacan u dhuux micnaha Dhigaalkaan.

Su'aal uu yar aan sxb nahay io dad kle oo badan iso waydiyen malmo dhowayd ayaan donayaa inaan si puplic ah uga jawabo.

Su'aashu waxaa waaye waxaan rabaa inaan xaroodo ama barto IT, Software Engineering ama Computer Science ee kwrn?

Su'aashan jawaab maya ama haa ah malaha alyacni jawaabteedu way dheertahay, Marka kowad hadaad rabto inaad barato CS, IT ama Software Engineering waa inaad tahay qof xiiseeya computerada iyo aaladaha kale ee Technologyga wxn sidan kawadaa waa inuu yahay wax rabitaabkaaga ah oo uusan qof kuusoo amaanin ama lagugu soo khasbin (waalid). Haddii sxbkaa uu ku fcnyahay Medical taas micnaheeda ma aha adna waad ku fiicnaan. Qof walba wax ayuu ku fcnyahay oo uu xiiseeyaa wax aada jeclayna ma baran kartid sababtoo ah maskaxda qaybta subconscious ka kuguma caawinayso inaad sheygaas barato hadii aysa aaminsanayn inaad guul ka keenayso wxyna kugu kalifysaa dhawr maalin kadib markii xiisihii hore kaabaxo inaad caajisto. Wax aada jeclayn oo laguu soo amaanay hadaad bilawdo inaad barato hubaal weeye inaad ku caajisi.

Waa inaad diyaar utahay inaad fahanto waxyaabo kala duwan mararka qaarna kugu adkaan kara oo aad tahay qof aan ka xanaaqaynin inuu ku celceliyo fahanka sheygaas.

*waa inaad taqaano luuqada ENGLISH-ka.

Waa inaad si fcn u taqaanaa isticmaalka computerka lkn waa inaad kala saartaa isticmaalka computerka iyo xirfada IT-ga oo ay dadka mararka qaar moodaan inay isku dhawyihiin (iskuma dhawa).

Wxaa fcn inaad taqaano sida internetka dhibaatada kusoo wajahda aad uga raadin lahayd.

Dulqaad badan ayaa loo baahan karaa markaad baranayso field-yada noocan oo kale ah sababtoo ah wxaa kusoo wajihi kara cilad farsamo (computer) oo kaa xanaajisa xalinteedana ay kugu qaadan karto maalmo!

Field-ga computerka waa mid had iyo goor wax iska badalaan, adigana waa inaad la socoto hadba wixii soo kordha oo update ah.

Waxaa kusoo wajihi wax akhrin badan iyo manuals loo baahanyahay inaad akhriso ood fahanto hadaba waa inaad tahay qof wax akhrinta aan karaahsanin hadaad karaahsatana aad laqabsataa hada kadib.

Waa inaad xiisaysaa Aaladaha technology ga iyo computerada kama wado inaad jeceshahay oo qof walba maanta wuu jecelyahay inuu Galaxy S8 haysto ee wxn kawadaa in aad tahay qof aad u xiiseeya.

Waxaa fcn inaa tahay qof xalinta dhibaatoyinka ku fcn oo iskii u xalin kara dhibaatada soo wajahda oon qof kale marwalba xal u raadsanin.

Waa inaysa dhib kugu haynin inaad saacado badan computerka hor fadhido.

Sxpkaa haduu ku fiicanyahay IT-ga oo uu kuu amaano adna waa inaad iswaydiisaa ma ku fiicnaan kartaa amase maku dadaali kartaa oo diyaar ma u thay inaad wakhti dheer u hurto, Hadaba waxyaabahaa aan kor kusoo sheegay haday kugu yaryihiin ama aadan hal midna kamatalin Computer Science, IT, Software engineering midna ma aha field-gaagii ee wakhtigaaga ha iskaga luminin, Su'aal: wxn arkay qof kasoo qalin jabiyay field-yada noocan oo kale ah qofkaasna aad uma yaqaano xirfadan ee waa mxy?

Jawaab: qofkan marka koowaad field-ga waa loo soo amaanay ama qof kale ayaa kusoo khasbay oo qofkani ma xiisayn jirin IT oo qish iyo qooto qooto kale ayuu imtixaanadana kusoo gudbi jiray. Imtixaan inaad baasto ama casharka qalayl kusoo liqdana ma aha wax barasho ee waa imtixan-barasho, hadaad shahaado wadato taas micnaheed ma aha inaad sheygaas taqaano.

Jaamacad wad ka qalin jabin kartaa lkn waxaa ceeb ah inaad shahaado kaliya wadato.

*Waxaad lakulmi kartaa macalimiin aan tayadoodu fiicnayn oo aan si fcn wax kuu fahansiinin ama aan wax saas ah kuguba dhaamin! Hadaba waxad samayn kartaa handout ka kaqaado iska akhriso ogowna in maanta wax wlba aad isbari karto oo internet jiro.

*Waxaad kaloo arki macalimiin casharadoodu aysan update ahayn oo source old ah wax kasoo qaadanaya... markanoo kale waxaad samaysaa casharadoo akhriso si aad imtixaanka u dhaafto internet kana updateka ka raadso, Dhinaca ardayda wxd arki arday aan waxba kugu dhaamin ama kaa liita oo meesha iska jooga. HAKU DAYANIN! Sababtoo ah jaamacada wad kasoo qalin jabin kartaa adoon waxba baranin oo qish iyo farsamoyin kale ayaad isticmaali kartaa lkn kuma anfacayso oo field-gan ma aha saa moodayso! hadaad si fcn wax usoo barato waxaad u shaqaysan kartaa si xor ah adoon xafiisna u shaqaynin oo kolba haayad ama oraganization ama xafiis ama qof ayaad contract la gali ood project u kala tuuri halkaas oo aad lacag badan kaheli.

Su'aal: waa mxy farqiga u dhexeeya Computer Science, Software Engineering iyo IT?

Jawaab: hadaan sii wado qoraalkan waxay kugu qaadan laba maalin inaad akhriso. Farqi aad usii wayn uma dhexeeyo sadexdan field wxd waydiisaa google farqiga u dhexeeya, kuqor IT vs CS markad labadaas ogaatana hadana ku qor Software Engineering vs CS.

*CS waxaan kawadaa Computer Science, IT wxn kawadaa Information Technology, ICT wxn kawada

Information Communication Technology.

Su'aal: waa maxay farqiga u dhexeeya IT iyo ICT?

Jawaab: IT waa barashada dhamaan sida loogu hawlgalo, system cusubna loo habeeyo ama loo dhiso islamarkaana loo cilad bixiyo aaladaha technology ga oo dhan. ICT waa sida aaladaha casriga ah loogu isticmaalo in lagu shaqeeyo ama loogu xidhiidho qof walbana maanta way u fcntahay inuu yaqaano ICT (kama wado IT). Si kooban ICT waa sida loo isticmaalo computerkaga, printerkaaga iwm.

Shaqooyinka iyo baahida loo qabo field-yada aan kasoo hadlay marba marka kadanbaysa way sii kordhayaan ee hadaad diyaar utahay oo aad buuxisay waxyaabaha loo baahanyahay orod oo baro aad ayay u fiicanyihiine.

W/Q/Mohamed Gønzalez


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...