5ta xeywan diinta xaramtimeysay dilkoda iyo sababahoda!

0
Saturday July 24, 2021 - 10:36:35 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    5ta xeywan diinta xaramtimeysay dilkoda iyo sababahoda!

    Xeywaan aan dhib kugu heynin yacni dhib kugu ahen dilkiisa waa xaram

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeywaan aan dhib kugu heynin yacni dhib kugu ahen dilkiisa waa xaram

No description available.



Xeywaan aan dhib kugu heynin yacni dhib kugu ahen dilkiisa waa xaram marka laga sootago xeywanada aan qor madan kan ku xiga ku shegi doono Insha'Allah!,
Sida ay tahy waxa jira 5 xeywan sigar ah dinta u xustay ayaga iyo sababaha ka bogo qormadan!.
عن ابن عباس - رضي الله عنهما - قال : نقی شول الله - صلى الله عليه وسلم - عن قتل أربع من الدواب : الله ، والخلة ، والهدهد . والرد . رواه أبو داود ، والدارمي.
Ibnu Cabaas waxa laga wariyey(Allah Karali noqdee) inuu yidhi!;
wuxuu reebay Rasuulkii llaahay (Sala Allahu Aleihi Wasalam) in la dilo afar xaywaan , qudhaanjada , shinnida , hudhudka iyo Suradka! ” waxa soo saaray Abudawud" .
عن أبي هريرة قال نهى رسول الله صلى الله عليه وسلم عن ممثل الشرير والضفدع والتملة والهذه.
" Abuhurayra waxa laga wariyey inuu yidhi : Rasuulkii Ilaahay (Sala Allahu Aleihi Wasalam) wuxuu reebay in la dilo , shinbirka Suradka , raha , qudhaanjada iyo Hudhudka . " Waa maxay xikmada loo diiday in la dilo!?;
1)Qudhaanjadu waxay kamid tahay xayawaanad ugu cibaadada badan , waxa laga wariyey nabiga inuu yidhi : Ha dilina Qudhaanjada , maxaa yeelay nabi Suleymaan ayaa maalin roobdoon sameeyey , markaasuu arkay qudhaanjadii oo madaxeed ku fiirinaysa cirka sidoo kale lugaheeda sare u taagtay , oo leh : Ilaahayoow khalqi kamid ah abuurkaaga ayaanu nahay , kamana maarmayno dheeraadkaaga , llaahayow ha noo qabanin danbiyada adoomadaada khaldamay , noona keen roob noo soo saara dhir naguna quudi midho.markaasuu dhahay Sulaymaan dib u noqda , waa laynaga filnaaday laynaguna roobeeyey idinka qayrkiine .
Waxa kale oo jiray in nabi kamid ah nabiyadu uu geed hoostii fadhiistay , kadibna uu indhaha isku qabtay , markuu hurdada meeshii ugu macaanayd mareyey ayey qudhaanjo qaniintay , dabadeedna gabigoodiiba wuu gubay markaa baa ilaahey u waxyoday bal maad qudhaan shada kaliya dishid! taa micnaheda ahayada uun baa wax kaa haleysay kuwa kale ma banaana inaad disho!.
2)Shinnidana lama dilayo sababtuna waa nafciga iyo khayrka ay u hayso bani - aadamka , ayadoo samaysay malabka oo llaahay ku tilmaamay inay dawo u tahay dadka , waxa kale oo llaahay ugu magac daray suurad dhan oo Quraanka kariimka ah suurat Al - naxli .
3)Hudhudka , waa xayawaankii isaga awgii soo hanuuniyey qoom dhan , wuxuu nabi Suleymaan u diray inuu warqadii ku tuuro boqoradii reer Saba ' ee Balqiis . Ugu danbayna Boqoradii way islaamtay , waxayna soo gashay diinta xaqa ah . Sidoo kale Hudhudka lama cunayo hilibkiisa , maxaa yeelay hadii shay la xarrimo dilkiisa , waxa kale oo la xarrimaa cunidiisa .
4)Suradka , waa shinbir ay dadkii carbeed ka baasaysan jireen magaciisa , iyo codkiisaba . Sidaas darteed waa la xarrimay dilkiisa , kol hadii la mamnuucay dilkiisana ma banaano hilibkiisu .
5)Raha , sababtuna waa xayawaanka aduunka ugu tasbiixda badan , waxa laga wariyaa in nabi Daauud uu umaleeyey in cidina si isaga lamid ah aanay u amaanin llaahay , markaasbaa loo soo diray Malak isagoo jooga qolkii uu ku cibaadaysanayey , markaasuu ku dhahay ; Daawuudow dhagayso waxa Rahu ku dhawaaqo , kolkaasbuu dhagaysy , mise waxay markaasu nabi , سبحانك وبحمدك منتهی علمك : leedahay daawuud cajabay isagoo leh : waxaan ku dhaarta llaahay iga yeelay nabiye , waligay sidaas oo kale umaan amaanin . Dhanka kale waxa lasoo arooriya in Rahaasi uu yahay waxa ugu Alle kacabsiga badan , oo maalina Rahbaa isku tuuray dabka cabsida uu llaahay ka qabo darteed , kolkaasaa llaahay ugu badalay biyaha qabow iyo codkeedana ka dhigo tasbiix . Sidoo kale waxa lasoo arooriyaa in cidii disha Raha lagu leeyahay neef lax , ha jooga Xaramka ama meel kalebee . sidoo kale xaywaanada aan dhibta ku haynin bani - aadamka ama aanay hilibkooda cunaynina waa mamnuuc in la dilo .


W/Q:Ise Sharafdin


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...